Xukuumadda oo sheegtay inaanay xisbiyada Mucaaradka kaalin uga banaanayn wada-hadaLlada Somalia

Maxamed Biixi YoonisHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa daboolka ka qaadday inaanu jirin kaalin ay axaabta Mucaaradka ahi ku meteli karaan ka-qaybgalka wada-hadallada u dhexeeya Somaliya, iyada oo dhowr jeer oo hore ay axsaabta mucaaradku xukuumadda kala qayb-galeen dhowr kulan oo labada masuuliyiinta labada dal wada-hadallo ku dhex-mareen.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis oo ka jawaabay eedaymo Xisbiga Waddani xukuumadda ugu jeediyey inay isku koobtay wada-hadallada Somaliya iyo ka-talinta masiirka umadda, ayaa sheegay in arrimaha wada-hadallada Somaliya yihiin door ay xukuumadda iyo goleyaasha dawladdu leeyihiin oo ay ku metelayaan qaranimada, isla markaana ay ka miisaan badan tahay arrimo xisbi.

Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa u ugu horreyn ka hadlay xubnaha wada-hadallada u metelaya Somaliland iyo haddii wax isbeddel ahi ku yimi guddiyadii hore uga qayb-gali jirtay wada-hadallada, waxaanu yidhi, “Waxa tagaya Afar Wasiir, Baarlamanka iyo Guurtida, waxaananu tegi doonaa maalinta aanu goosano inaan tagno, wax iska beddelayna ma jiraan, wixii talo ah ee lanoo soo jeediyo ee wada-hadallada ku saabsanna waanu dhegaysanaa.”

Wasiirka oo wax laga weydiiyey sida ay u arkaan dhaliilo ay axsaabta Mucaaradku ugu jeediyeen xukuumadda inay kaligeed isku koobtay wada-hadallada isla markaana aanay mucaarad ahaan dheg u taagi doonin natiijada ka soo baxda wada-hadalladaas, waxa uu wasiirka meesha ka saaray inay axsaabtu wax kaalin ah ku leeyihiin ka qayb-galka wada-hadallada, isaga oo ku dooday inuu dalku leeyahay goleyaal dawladeed oo wakiil ka ah masiirka qaranimada iyo danta umadda. “Arrinkani laba dawladood ayuu khuseeyaa –  arrin axsaab ku lug leh maaha; waa dawladda Somaliland iyo dawladda Somaliya ayaa wada-hadallada leh, markaa waa arrimo ay dawladuhu ka wada-hadlayaan. Xaggooda mucaaradka waxa ay ka yimaaddaan xubnaha guurtida iyo Baarlamanka,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi, waxaanu intaas ku daray,  “Arrinkani waa arrin dawladda khuseeya, waxa dawladda metelayaana waa goleyaashii shacbigu ay soo doorteen, markaa arrin axaabta iyaga khuseeya sida Somaliland qof kastaa u khuseyso ayuu u khuseeyaa, wixii talo ah ee ay nagu biirinayaan diyaar baanu u nahay inaanu ka dhegaysanno, laakiin waa arrin qaran, maaha arrin xisbi,” ayuu yidhi Wasiir Biixi.

Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay qodobbo ku jiray heshiiskii u dambeeyey ee labada dalka oo qaybo ka mid ah aan lagu heshiin, kaas oo uu ka mid yahay maamulka hawada sare ee dalkii laysku odhan jiray Somaliya, waxaanu wasiirku si dul-xaadis ah u carrabaabay in qodobkaasi ka mid yahay ajandaha wada-hadallo loo ballansan yahay sidii meel layskula dhigi lahaa isla markaana loo xalin lahaa khilaaf ka taagaan arrintaas.

Isaga oo arrimahaas faahfaahinayey, waxa hadalkiisa ka mid ahaa, “Waxaanu Immika ka wada-hadleynaa sidii qolo kastaaba saddex xubnood oo qof khabiir ah oo Aviation-ka (Duulista Hawada) yaqaanaa ku jiro inaanu isugu nimaadno meesha aanu ku wada-hadleyno. Turkigu waxa uu ku taliyey Istanbul, ICOA waxay ku talisay Nairobi, waxaanu isla eegaynaa meeshii ay ka dhici lahayd,” ayuu yidhi wasiirku, isaga oo intaas ku daray inaanay jirin dhibaato wakhtigan ka taagan arrintan, loona ballansan yahay sidii loo qaban-qaabin lahaa kulan saddex geesood ah oo labada dal ay ku wehelinayaan dhinac saddexaad oo khilaafka arrintan dhex-dhexaadin kaga jira.
SOMALILANDPOST.NET