Xukuumadda oo shaaca ka qaadday Go’aamo ay ka soo saartay Colaadda ka taagan Ceel-Afweyn

FB_IMG_1513426949507Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliand ayaa shaaca ka qaadday go’aamo ay ka gaadhay shaqaaqo dhawaan laba beelood oo walaalo ah ku dhexmartay degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, kaddib kulamo iyo shirar ay ka yeesheen sidii xal loogu heli lahaa colaaddaas oo in badan soo noq-noqotay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo maanta warbixin siinayey Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan go’aamo adag oo xal loogu helayo shaqaaqada Ceel-Afweyn isla gaadheen si looga hortago ama meesha looga saaro sababaha soo celiceliya colaaddaas oo tirada dhowr jeer sababtay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadhay laba beelood oo deegaankaas wada dega.

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO FAAHFAAHINTA WARKAN.