Xukuumadda oo Mucaaradka ugu Baaqday inay Danta Qaranka ku Garab-joogsadaan Xilligan Xaasaasiga ah

Maxamuud Xaashi

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa mucaaradka Dalka ugu baaqday in loo midoobo danta Qaranka isla markaana aan wakhtigan looga baahneyn inay mucaaradnimadooda uga faa’ideeyaan dabinnada Cadowga maadaama oo wakhti xaasaasi ah lagu jiro.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta ka hadlayey munaasibad uu masuuliyiinta madaarka Berbera ugu wareejinayey Baabuur dawladda Ingiriisku ugu deeqday garoonka diyaaradaha ee Berbera.

Maxamuud Xaashi
Maxamuud Xaashi

Wasiirka Duulistu waxa uu difaacay xasiloonida ka jirta Somaliland, isaga oo xusay inaanay jirin halis amni-darro oo dalka ku soo fool leh, “Nabad-gelyadeena wax hoos u dhac ahi kuma iman. Wax ay xukuumaddani halis u aragtana qarankan kumay iman. Taas macnaheedu ma aha inaynu is dhigano. Waynu is diyaarinaynaa, cadowgu wuu badan yahay, taxadar badan ayaynu samaynaynaa, heegan adag ayay ciidammadda qaranka oo dhami ku jiraan,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi, waxaanu hadalkiisa intaas ku daray, “Masuuliyiinteena oo dhami waxaynu ka shaqaynaa inaynu adkayno nabad-gelyada iyo inaynu kalsoonni siinno beesha caalamka.”

Wasiirka Duulistu waxa uu mucaaradka u soo jeediyay inay noqdaan kuwo wax dhisa, “Mucaaridka qiimaha lihi waa ka dhaliila ee toosiya xukuumadda markay ku haboon tahay, waa ka taageera markay arrin guud ku soo korodho qaranka. Waa mucaaridad aan qaan-gaadh ahayn haddii aad aragto cid rifaysa dawladda iyadoo qaranku ku jiro xaalad xasaasi ah,” ayuu yidhi Md Maxamuud Xaashi Cabdi.