Xukuumadda Oo Ka Jawaabtay Baaqii Hanjabaadda Ahaa Ee Mucaaradka

Hargeysa, (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta si rasmiya uga hadashay dhawaaqii xisbiyada mucaaradka Somaliland ee ku saabsanaa in Xukuumaddu kaga baxday heshiiskii ay wada gaadheen ee lagu soo afjaray khilaafkii ka taagnaa muddo kordhinta loo sameeyay Xukuumadda iyo golaha Wakiilada Somaliland.waran-cade

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa ayaa sheegay in Xukuumaddu aanay ka bixin heshiishkii ay la gashay mucaaradka balse mucaaradka ay ka muuqato deg-deg tiro badan sida uu sheegay.

“Xukuumaddu ka may bixin heshiiskii ay la gashay mucaaradka ee waxa ay wadaa sidii ay isu waafajin lahayd go’aanka Dastuuriga ah ee Guurtida iyo xalka Siyaasadeed ee xisbiyada iyo Xukuumaddu gaadheen” ayuu yidhi Cali Warancadde

hadalka wasiir Warancadde ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo xisbiyada mucaaradku ay fariin u direen madaxweyne Siilaanyo taas oo ay kaga dalbanayaan in uu dhaqan geliyo heshiiskii ay hore u gaadheen.