Xukuumadda oo ka hadashay Xasuuqa ay Ciidamada Itoobiya u Geysteen Shacabka Xoolo-dhaqatada ah ee Bariga Gobolka Ismaamulka Soomaalida

Hargeysa, 18 March, 2012 (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dagaal xasuuq ah oo ay Ciidamada Liyuu Booliska Itoobiya kula kaceen dad shacab Xoolo-dhaqato ah oo ku dhaqan deegaanno hoos-taga degmeda Gaashaammo ee Bariga Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kuwaasoo dhac, dil iyo dhaawac u geystay shacabkaas, gubayna magaalooyin dhawr ah.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cismaan Garaad Soofe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Xukuumadda Somaliland dagaalka ka dhacay deegaannada hoos taga Gaashaammo, kala hadlayaan dawladda federaalka Itoobiya, isla markaana waxa uu ku baaqay in la joojiyo dagaalkaas ay Liyuu Booliska Itoobiya ku qaadeen shacabka xoolo-dhaqatada ah.

“Degaanka shalay dagaalku uu ka dhacay ee Hawdka waxa ku dhintay tiro dad ah oo aad iyo aad ayaanu uga xunnahay arrintaas Xukuumad ahaan. Dadkii halkaas ku dhintay waxaannu Illaahay uga baryeynaa in uu Jannada ka waraabiyo, eheladooda-na Samir iyo Iimaanka siiyo. Arrintaas Xukuumad ahaan waxaannu ka qabnaa waxay tahay dadka halkaas ku dagallamaaya, dagaalladaasi inay noqdaan kuwo joogsada oo labada dhinacba waxaan u diraynaa baqaas ah inay dagaalka joojiyaan,” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Cismaan Garaad.

Cismaan Garaad Soofe, ayaa sheegay in Somaliland door weyni uga bannaan yahay ka hadalka dagaalkaas shacabka lagu xasuuqay, waxaanu yidhi, “Door wayn ayaa nooga bannaan marka runta laga hadlo dadkaasi ha degganadeen dhinaca Itoobiya, hase ahaatee waannu naqaannaa inay yihiin dad Soomaaliyeed oo waa reer guuraa marba dhinac ayey jiraan, dadka reer Somaliland ah ee ka tallabaaya Xuduudda iyaga oo doonaya Biyo iyo Baad runtii xaggaa kalana waa laga soo gudbaa markay timaaddo duruuftaas oo kale.”

“Markaa, labada dhinacba dadkaas door wayn ayaa nooga bannaan hadday xaggaa jiraan Dawladda Itoobiya waxaanu uga baahannay dadka ku dhaqan Xududeheeda ee reer Somaliland ah ee daaqa u deggan ama deegaan ahaan u deggan waxa loo bahan yahay inay badbaadiyaan markay sidaas oo kale dhacdo,” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Somalialnd Cismaan Garaad Soofe.

Wasiir ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray, “Itoobiya waxa ka jooga Wakiil u fadhiya magaalada Hargeysa oo isaga ayaannu farriimaha u marinaynaa oo aannu kala hadalaynaa arrimaha dhacaya inkasta oo laga warhayo, haddana sidii la isaga kaashan lahaa, amniga oo labada dalba waa u dan, marka tan laga hadlaayo oo waxa naga dhaxeeya xidhiidh fiican dalka iyo dadka Itoobiya.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net