Xukuumadda oo Ka hadashay Xadhiga Salaadiinta Iyo Taliye-xigeenka Laanta Socdaalka

Hargaysa(SLpost)-Wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland ayaa ka hadashay sababta keentay in la xidho taliye xigeenka laanta socdaalka Somaliland  Gaashàanle Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale) oo maalmihii u dambeeyay Hargeysa ku xidhan.

 

Wasiir kuxigeenka wasaaradda daakhiliga ee maamulka gobolada iyo degmooyinka Axmed Faarax Cadarre, ayaa sheegay in taliyaha loo xidhay amar wasiirka daakhiligu siiyay oo uu diiday.

Mudane Cadarre oo wargeyska Saxansaxo la hadlay ayaa waxa uu yidhi“Taliye kuxigeenka waxaa loo xidhay amar diido uu sameeyay. Wasiirka waxay iskugu dhaceenna waa amar diidadaas uune wax kale maaha. Waxa keenay xadhigiisa anshaxa ayaa la marinayaa,”

 

Taliye xigeen Sablaale ayaa dhawr cisho ka hor la xidhay, isagoo ilaa haddana xidhan. Waxa la sheegay in wakhtiga la xidhay ay shir kuwada lahaayeen wasiirka daakhiliga wasaaradda arrimaha gudaha.

 

Dhinaca kale mudane Axmed Faarax Cadarre, waxa uu sheegay in ciidda kadib sharciga la hor gayn doono salaadiin xidhan “ Salaadiinta waxaa sharciga la hor gayn doonaa marka Ciidu ina dhaafto, markaas baa shaqadooda la gali doonaa,” ayuu yidhi mr Caddarre.

Boqor Raabi iyo Suldaan Mawliid Sabayste, ayaa muddo todobaado ah ku xidhan magaalada Hargeysa kadib markii xukumaddu ku eedaysay kicin iyo arrimo ammaanka ka dhan ah