Xukuumadda Oo Ka Hadashay Weerarkii Lagu Qaaday Guriga Badhasaabka Gobolka Awdal

 

 

Boorama(SLpost) – Ugu yaraan 2 ka mid ah ilaalada badhasaabka gobolka Awdal ayaa dhintay kadib markii dablay hubaysani soo weerartay gurigiisa oo ku yaala magaalada Boorama. waxaa sidoo kale hawlgalkaasi ku dhaawacmay laba ilaalada badhasaabka ah.

 

Badhasaabka Awdal Maxamuud Saleebaan Ramaax, ayaa BBC-da u sheegay in abaaro Salaaddii subax ka hor gurigiisa la soo weeraray islamarkaana ay difaaceen ilaaladiisa, kadibna dablaydu u carartay dhinaca Xuduudka oo aan ka fogayn magaalada Boorama, waxaanu sheegay in halkaasi ciidamada Ammaanka Somaliland iyo Kooxdu isku baacsadeen.

 

Wasiir kuxigeenka gobolada iyo degmooyinka Axmed Faarax Cadarre, ayaa sheegay in lagu dabo jiro dablayda weerarka gaystay “ Waxaa naloo sheegay in kooxdu magaalada gudaheeda ku jireen, laguna daba jiray laakiin, nasiib darro falka markay gaysteen way baxsadeen, waana lagu daba jiraa raadkoodiina waa la hayaa,” ayuu yidhi wasiir xigeenku.

 

Wasiir xigeenku waxa uu sheegay inay hayaan caddaymo muujinaya in kooxdaasi ka tirsan tahay kooxda Suldaan Wabar “ Waanu haynaa wararkooda oo tafotiran arrimahaasina waa kuwo u gaar ah ammaanka,” ayuu yidhi Mr Cadarre.

Dhanka kale, wasiir xigeenku waxa uu ka hadlay ganacsato iyo dad kale oo ilaa 7 lagu sheegay tiradooda oo lagu xidhay Boorama “ Fal dambiyeed marka uu dhaco cid allaale cidii la tuhunsan yahay waa habka dawladnimo in la xidho inta la baadhayo amma lagu caddaynayo,” ayuu yidhi.

 

Wasiir kuxigeenka oo wax laga waydiiyay in weerarkani dhaawacayo heshiiskii Somaliland iyo Ethiopia dhawaan kala saxeexdeen ee ahaa in Suldaan Wabar mawqifkiisa ka tanaasulo ama Ethiopia soo qabto ayaa ku jawaabay “ Dhaawac badan gaadhsiin maayo, maxaa yeelay heshiisku waa socdaa, waanay ku hawl jiraan intaanu ka war hayno eenu wada xidhiidhno Ethiopia, wax badana way qabsoomeen, inta hadhayna inshaa Allah waxaanu rajaynaynaa in iyagoo gacanta ku haya ay noo soo gacan galiyaan ama ay noo fasaxaan aanu gacanta ku soo qabannee.”

 

Somaliland iyo Ethiopia ayaa dhawaan Diridhaba ku kala saxeexday heshiis dhinaca ammaanka ah oo nuxurkiisu ahaa inaan dalna marti galin ama ogolaan in dalkiisa ay joogaan cid ka soo horjeeda dalka kale. Ethiopia ayaa heshiiska ku saxeexday inaanay ogolaan doonin in ciideeda ay joogaan cid Somaliland ka soo horjeeda, halka Somaliland aanay ogolaan doonin cid ka soo horjeeda Ethiopia, balse kooxda Wabar oo u talowda dhinaca Ethiopia waa ta lagu tijaabin doono heshiiskan labada dal.

Boorama waxaa ka socda ciyaaraha gobolada Somaliland wajigooda koobaad ee isreebreebka, halkaasi oo ay ku sugan yihiin madaxda gobolada iyo ciyaartoyga gobolada Maroodijeex, Saaxil, Salal,Gabiley, Awdal, Buuhoodle iyo Hawd.