Xukuumadda oo ka hadashay Wakhtiga la furayo Madaarka Berbera iyo Cabasho ka taagan Shaqaale Cusub oo loo qaadanayo

madaarka Berbera Airport

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay un la dhammeystiray dib-u-casriyeynta iyo Qalabaynta madaarka Caalamiga ah ee Berbera oo ay gacanta ku hayso shirkad xukuumaddu ku wareejisay.

Maamulaha Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaarada Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid) ayaa sheegay in bisha November ee sannadkan la furi doono Madaarka Berbera oo ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ugu weyn qaaradda Afrika.

Madaarka Berbera

“Dawladda Somaliland waxa ay Madaarka Berbera heshiis kula gashay Shirkad Caalami ah oo ka shaqaynaysa inuu noqdo mid ka tilmaaman Geeska Afrika, waxaana loo dhammaystiray qalabayntiisii, waxaana la furi doonaa 21-ka Bisha November Madaarkaas oo waddankeena ahmiyad u leh, waayo? Marka Deked Caalami ah la sameeyo, waa in Madaar Caalami ah la sameeyo,” Sidaas waxa yidhi Maamulaha Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaarada Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid) oo warbaahinta la hadlay.

Dhinaca kale, waxa uu Maareeyuhu ka hadlay Cabashooyin ka jira nidaamka loo maamulay Shaqaale cusub oo loo qaadanayo madaarka magaalada Berbera, waxaanu sheegay in la saxay wixii Cabashooyin ah ee ka soo baxay qaadashada Shaqaalaha madaarka Berbera.

“Shirkadaas Gacanta ku haysa Madaarka ayaa shaqaale cusub qoranaysa, waana la isla saxay wixii ka soo noqday, waxaanu isla garanay in shaqaalaha dib loo baahiyo, dhammaan dhallinyarada Somaliland way soo gudbin doonaan CV-yadooda, iyadoo aanu ka wada-shaqayn doono hay’adda shaqaalaha dawladda iyo Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

“Dhalinyarada si siman ayay ugu tartami doonaan sida xeerarka waddanka sheegayaan gobolka shaqada laga qabanayaa waxa uu xaq u leeyahay boqol kiiba toban, diyaar ayaana loola yahay dhalinyarada ku nool gobolka Saaxil, qaranka ayay muhiim u yihiin, cidina ma dafiri karto xaqooda,” Sidaas ayuu yidhi Maamulaha hay’adda Madaarrada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net