Xukuumadda oo ka hadashay Sababta ay Sahra Halgan uga joojisay Xafladda Xuska 30-guurada Shuhadada SNM

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda talada Somaliland haysa ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ka hadashay sababta Fannaanadda Sahra-Halgan ay kaga hor-joosatay inay qabato Xuska 30-guurada Maalinta Shuhaadadii SNM ee 17-ka Bishan October oo sannad kasta la xuso, kaasoo ay qaban-qaabinaysay qabashadiisa.

Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi, ayaa ka jawaabay War ay Shir Jaraa’id oo ay Fannaanadda Sahra Axmed Maxamuud (Sahra-Halgan) caawa ku qabatay magaalada Hargeysa oo ay ka akhriday qoraal amar ah oo uu Wasiir Ku-xigeenka Amnigu ku saxeexan yahay oo lagu farayo inaanay qaban karin Xuska 30-guurada Maalinta Shuhaadada oo ay ugu talo-gashay inay ku qabato Huteelka Hiddo-dhawr oo ay dhawaan ka furtay magaalada Hargeysa.

927Wasiir Ku-xigeenka Amnigu waxa uu sheegay in sababta loogu diiday Sahra-Halgan tahay qoraal ay Jimciyadda Mujaahidiinta SNM u soo gudbiyeen Wasaaradda arrimaha gudaha, isla markaana kaga dalbadeen in lagaga joojiyo Xus laga garab-wado Xuska ay Sooyaal qabanayso oo lagu qabanayo Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

HALKAN KA DAAWO WASIIR KU-XIGEENKA OO KA HADLAYA

HALKAN KA AKHRISO SAHRA HALGAN OO QAADACAYDAY AMARKA XUKUUMADDA

Somalilandpost.net