Xukuumadda oo ka hadashay mawqifkeeda khilaafka G/wakiiladda‏

“ May dhicin, mana dhici doonto inay  Xukuumaddu farro geliso Wakiiladda oo ah Gole sharci dejineed oo hawlihiisa shaqo wata una madax banaan”

“Xukuumaddu wakhti iskaga qaadi mayso waxaan munaasib ahayn, waxay  dedaal gelisay una guntan tahay Horumarinta dalka”

“ Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda  waxa ka dhaxayay wada shaqayn wanaagsan”

“Haddii Guddiyo ay dooranayaan iyo Haddii ay Daynayaan-ba  Wakiiladda ayay  u taalla, Xukuumaduna..”

 

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa iska fogaysay eedo ka soo yeedhay qaar ka mid ah xisbiyadda mucaaridka ah oo xukuumadda ku eedayay  inay ka dambayso  labada Guddoomiye Ku xigeen ee aqalka wakiiladda oo iyagu laalay go’aankii uu Guddoomiye Cirro iskugu shaandheeyay  Guddi hoosaadyadii aqalkaasi.

 

Sidaasna waxa shaaca ka qaaday Afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul oo caawa u waramayay shabakadda Somaliland.Org, waxaanu tilmaamay inaanay jirin sabab xukuumadda ku kalifaysa inay faro-geliso Golaha Wakiiladda oo ah dhar-dhaar ka mid ah saddexda waaxood ee dawladda oo shaqadiisa u madax banaan.

Afhayeenka Madaxtooyadda oo dabo socday  warar sheegayay in xukuumaddu ay ka dambayso go’aanka ay gaadheen labada Guddoomiye Ku xigeen, waxaanu yidhi  “Waxaan warbaahinta qaarkeed  ku arkayay   mucaaridka oo xukuumadda ku eedaynaya inay madaxtooyaddu soo dirtay  labada Guddoomiye Ku xigeen ee Golaha Wakiiladda oo iyagu sidaan maqalay laalay Go’aankii isku shaandheyntii guddiyada aqalkooda. Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo xukuumaddu waa waaxdii fulinta, Golaha Wakiiladduna waa waaxdii sharci dejinta markaa way ka madax banaan tahay fulinta sida waaxda Garsoorkuba uga madax-banaan tahay.”

AFHAYEENKA MADAXTOOYADA

“ Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda  waxa ka dhaxayay wada shaqayn wanaagsan , may dhicin mana dhici doonto inay  Xukuumaddu farro geliso Golaha Wakiiladda oo ah Gole sharci dejineed oo hawlihiisa shaqo wata una madax banaan,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu.

Axmed Saleebaan Dhuxul waxa  been aan sal iyo raad-toona lahayn ku tilmaamay warar sheegayay inay madaxtooyadda laga soo diray labada Guddoomiye Ku xigeen ee Golaha Wakiiladda.

 

“Sidaas darteed, eedaha  ka soo yeedhaya  xisbiyada mucaaridka ah ee waxa Golaha Wakiiladda ka socda ay ugu nisbaynayaan xukuumadda, waa been aan sal iyo raad-toona lahayn, waana  arrin baal marsan garashada sharcyada iyo qawaaniinta dalka u yaala,”ayuu yidhi Mr. Dhuxul

 

Afhayeen Dhuxul waxa uu sheegay in aanay xukuumaddu wakhti iska luminayn wax aan munaasib ahayn, balse ay u tafo xaydan tahay horumarinta dalka, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Haddii ay guddi hoosaadyo dooranayaan iyo haddii kaleba iyaga (Wakiiladda)  ayay  u taallaa, xukuumadda Somaliland ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo  waxay haysaa  oo ku mashquulsan tahay, hawl ka weyn oo hurmarineed ayay haysaa.  wakhti iskaga qaadi mayso waxaan munaasib ahayn, waxay xukuumaddu dedaal gelisay una guntan tahay sidii dalka looga hirgelin lahaa himiladii Madaxweynuhu dalka ku doonayay inuu ku horumariyo oo waxaad la socotaan dedaalka weyn ee lagu taabo-gelinayo   adeegyadda daruuriga ah sida waxbarashada, caafimaadka dhaqaalaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha oo waddooyinku ugu horeeyaan.”

 

“Waxaanu leenahay mucaaridka yaan xukuumadda la mar-marinin wax aanay shaqo ku lahayn oo aan hawlaheeda ku jirin, waxaana habboon in dadka eedaynaya xukuumaddu inay dib u eegaan oo akhriyaan shuruucda dalka iyo dastuurka oo kala madax baneeyay saddexda waaxood ee dawladnimadeennu ka kooban tahay,”ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul.

Somalilandpost.net

Hargaysa