Xukuumadda oo ka Hadashay Hawlgallo ka Socda Xuddun iyo Guuritaanka Ciidanka Qaranka Somaliland

Xaysimo(SLpost)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay ka hadashay dhaqdhaqaaqyo ay ciidamada qaranka ee Jiidda Barigu dhawaan  ku gaadheen Deegaanka Go’daale ee gobolka  Xaysimo, waxana ay xaqiisay inay ciidamadu hore uga guureen goobihii hore ee ay ku sugnayeen.

Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha, ahna ku-simaha  Wasiirka Md Maxamed Muuse Diiriye oo  saxaafadda qaarkeed la hadlay, ayaa sheegay  in ciidamda qaranka  halkaas la geeyey, isagoo ujeeddada ku sheegay inay ka hortegayeen fadqalalo kooxo  hubaysani oo kasoo horjeeda baadhis shidaal oo Somaliland halkaas ka bilowday.

“Way jiraan in diyaaradihii sahaminta waday ay meeshaas  tageen, waana sahamin guud uune  ma aha batrol imika la baadhayo, ciidankeenu markii horena way joogeen imikana ciidan siyaado ah baa ku ruqaansaday” ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.

Wasiirka ayaa sheegay in Maleeshiyo hubaysan oo kooxda Khaatumo katirsani Ciidamo halkaa ku sugnaa rasaas ka rideen, isagoo tilmaamay in haatan ammaanku sugan yahay

“Meelaha xadka ku dhaw dhaw waa la sheegayey qolo khaatumo ah oo xabbado ka rid-ridday, sidaad darteed dawladdu hawsheedii waa gudatay intii joogtay mooyaane in kalena waa ku darnay, ammaankuna waa sugan yahay. Dhulkaasina waa dhul Somaliland oo muran kuma jirto, marmarka qaarkoodna tuug waa kusoo dhuuman karaa”ayuu yidhi wasiir Diiriye.

Wasiirku waxa uu sheegay in dadka ciidamadii halkaasi tegay soo dhaweyn ballaadhan halkaas kala kulmeen, isla-markaana dadkoodii Reer Somaliland iyo dhulkoodii tageen

“Dadka halkaasi kuwa ugu jecel inuu ciidanku soo gaadho ayey ahaayeen, ciidankana sidii laascaanood iyo gambadhaba loogu soo dhaweeyey  ayuun baa ciidanka halkaas loogu soo dhaweeyey, maamulka fidintiisiina waa wadnaa.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Xukuumadda Somaliland ayaa magaalada Xuddun iyo hareereheeda ka bilowday sahamin shidaal baadhist,iyadoo dhawaan maamulka Puntland Somaliland ku eedeeyay inay deegaankaasi ku soo xad gudbeen isagoo Wasiirka macdanta Somaliland sheegay in goobta gala sahaminayo shidaalka iyo macdantu tahay dhulk Somaliland isla markaana dad reer Somaliland ku nool yihiin.