Xukuumadda oo ka hadashay Falkii lagu weeraray Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa ka hadlay weerar Sabtidii niman qori ku hubaysnaa ay ku weerareen Gudoomiye xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu sheegay inaanay u dul-qaadan doonin.

“Runtii waa Arrimo ku cusub Dalkeena, wax loo dul-qaadan karayana ma aha, Waxaanan samayn doonaa inaanu ciqaab marino cida ka dambaysay, si aanay Arrimaha nocaas ahi u soo noq-noqon oo labadii wada hadlaaba Tahdiid Noocaas ah iskula kicin,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha oo u waramayay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.

CALI MAXAMED WARANCADE
CALI MAXAMED WARANCADE

“Markaa Arintaas waanu ku daba jiraa, Taliyaha Booliska iyo Ciidanka Booliskana Amar baanu siinay in si deg-deg ah loo soo qabto cida ka dambaysay falkaasi,”ayuu Wasiirku hadalkiisa ku daray.

Wasiir Cali Waran-cadde waxa uu sheegay inay qabteen qaar ka mid ah ragii qoriga ula baxay Maxamed Kaahin, halka laba ka mid ahna ay ku dabo-jiraan ciidamadda ammaanku, waxaanu yidhi “Si weyn ayaa loo baadhayaa kiiskan qaarkoodna waanu qabanay Ragii falkaas sameeyay, Laba kalena waa lagu daba jiraa. Waxaanu rajaynaynaa in wax dadku kaga caago Arrimaha noocaas ah aanu ku samayn doono.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu ku tilmaamay Falalka lagula kacay Mujaahid Maxamed Kaahin, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile iyo Wargeyska Hubaal mid Dalka ku cusub islamarkaana Fulaynimo ah isaga oo sheegay inay ku dadaalayaan sidii loo dabar Jari lahaa.

Somalilandpost.net

Hargaysa