Xukuumadda oo ka hadashay Diyaar-garowga Xuska 18-May oo sannadkan Habacsanaani ka muuqato

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa si kooban uga hadlay hanaanka u diyaar garowga xuska maalinta qaran ee 18-ka May oo ay ka hadhsan tahay muddo ku siman hal todobaad, taas oo diyaar-garowgeeda habacsanaani ku jirto.

In kasta oo magaalooyinka waaweyn ee dalka aan laga dareemayn diyaar-garowga xuska maalinta oo xukuumaddu u xil-saartay guddi wasiirro ah oo Md Cali Waran-cadde xubin ka yahay, haddana waxa uu wasiirku xusay inay si dardar leh u socoto howsha qaban-qaabadeedu.

warancadeXuska Maalinta 18-ka May oo sannadkan maraysa 24-guuradii ka soo wareegtay markii Somaliland madax-bannaanideeda dib ugala soo noqotay dal-weynihii laysku odhan jiray Soomaaliya oo ay la midowday sannadkii 1960-kii, isla markaana ay bulshada Somaliland dal iyo dibadba si weyn uga xusaan, ayaan tabaabushaheeda laga dareemin gudaha dalka, iyada oo sannaddadii hore shacab iyo dowlad-ba si xooggan loogu diyaar-garoobi jiray.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Saxaafaddu wax ka waydiiyay arrintan, ayaa si kooban u sheegay inaanay sidii hore waxba kaga bedelnayn islamarkaana diyaar garowgu si weyn u socdo, “Maansha Allah, si weyn ayaa loo wadaa oo boqolkiiba boqol ah, cirkaas bay maraysaa. Hadda ayaaban soo dhaafay oo waxaa la rinjiyaynayay Laamidii,” ayuu yidhi Wasiir Cali Warancadde.

Shacbiga Somaliland ayaa looga bartay inay horraanta Bisha May si iskood ah Calanka Somaliland ugu qurxiyaan Meheradahooda, iyagoo Calanka ka taaga Meelo badan, islamarkaana Suuqu ku camirmo kala Iibsiga Maryo laga tolay iyo qaar lagu xardhay Calanka Saddex midab ka kooban ee Calanka Somaliland, balse sannadkan si xooggan loogama dareemayo suuqayada magaalooyinka waaweyn ee dalka, gaar ahaan casimadda dalka ee Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET