Xukuumadda oo joojisay soo bixitaanka wargeyska Hubaal, Hay’adaha Dawladdana amar ku siiyey talaabo ka qaadaan

Hargeysa(SLpost)-Xukuumadda Somaliland ayaa xayiraad saartay Wargeyska Hubaal oo todobaadkan Hargeysa ka soo baxay. kaasoo saaka qoray war uu ka soo xigtay Indian Ocean oo sheegayay Madaxweyne Siilaanyo inuu safar Caafimaad ugu baxayo Dalka Ingiriiska.

Warka lagu xayirayo Wargeyska Hubaal oo ku saxeexna agaasimaha wasaaradda warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf oo uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo xilkaas u magacaabay, ayaa warsaxafaddeed maanta ka soo baxay wuxuu u qornaa sidan :

Wargeyska Hubaal ee dhawaan Hargeysa ka soo baxay maaha mid ka sharciyaysan wasaaradda Warfaafinta. Sidaas daraadeed waxaan faraynaa cida soo saarta inay joojiyaan. Sidoo kale waxaanu Hay’addaha ay khusayso faraynaa inay talaabo ka qaadaan.” ayuu ku yidhi Agaasimaha Guud qoraalka Amarka ah ee uu ku baahiyay.

Wargeyskan oo mudooyinkii u dambeeyey ka soo baxayey dalka ayaa sifo sharci lahayn taasi oo keentay in maanta la saaro xayiraad ku aad joojinta wargeyskaasi.

Somaliland Post.Net

Hargeysa/Somaliland