Xukuumadda oo Guddiga Doorashooyinka ku Wareejisay Baaqigii ka dhinnaa Kharashka Qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada

komHargeysa (SLpost)- Xukuumada madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Guddiga Doorashooyinka Qranka ku wareejisay Wejigii labaad ee lacagta loo qoondeeyey qabsoomidda doorashada Madaxtooyada Somaliland oo loo muddeeyey dhammaadka sannadkan.

Lacagta oo qaddarkeedu dhan yhy $1200,000 (Hal Malyan iyo laba boqol oo kun), taas oo ahayd baaqi ka hadhsanaa lacag xukuumaddu ugu talo-gashy qabsoomidda doorashada, waxaana lagula kala wareegay munaasibad maanta ka qabsoontay xarunta Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo halkaas uu goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo lacagtan ka guddoomay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan.

HOOS KA DAWO WARKAN OO DHAMMAYSTIRAN