Xukuumadda Oo Dr. Bulxan Ka Horistaagtay Muxaadaradii Uu Muqdisho Ka Jeedin Lahaa

(SL.Post) Xukuumadda Somaliland ayaa Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan ka baajisay safar uu ku tagayay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya oo uu aqoonyahanka iyo ururada bulshada ugu soo jeedin lahaa khudbad ku saabsan qaddiyadda Somaliland.

13872737_854954834610709_9068889074531323993_n-300x200

 

 

 

 

 

 

Warar uu Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay helay ayaa xaqiijiyay in xukuumadu ka soo jawaabtay dalab uu Dr. Bulxan u dirsaday Madaxweyne Siilaanyo oo uu kaga dalbanayay in laga war hayo socdaalkaas Muqdisho iyo ujeedada uu u tagayay, waxaana kulan la yeeshay laba ka mid ah golaha wasiirada oo dood dheer ka dib u sheegay inaanay xukuumadu ogolayn inuu u socdaalo magaalada Muqdisho, waxaanu sidaas kaga baaqday safarkaas.

Dr. Bulxan ayaa Sabtidan maanta jeedin lahaa muxaadaradaas ku saabsan qaddiyadda Somaliland, waxaanu hore u qorshaystay inuu jimcihii shalay ka baxo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Ururada bulshada iyo jaamacadaha Muqdisho, qaarkood ayaa sheegay inay si weyn ugu diyaar garoobeen khudbadaha Dr. Bulxan oo ay sheegeen inay xiisanayeen.

Somalilandpost.net