Xukuumadda oo Difaacday Tallaabadii Ciidanka Boolisku ugu yeedhay Guddoomiyaha Waddani

Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda ee Somaliland Dr. Cabdiwali Sh. Cabdillaahi Suufi, ayaa tallaabo sharci ah ku tilmaamay in Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee WADDANI looga yeedho xarunta Ciidanka Dembi-baadhista Booliska Arbacadii shalay.

Wasiir Cabdiweli Suufi waxa uu sheegay in ciidammada boolisku nidaamka sharciga ah ee la banneeyey u mareen u-yeedhista Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

“Guddoomiye xisbi ayey u yeedheen ciidanka boolisku, warqad ayaa loo keenay, si sharaf leh ayaa loogu yeedhay, si sharaf leh ayuu u tagay, si nabad ah ayuuna ku soo noqday, intaasina waa inta uu sharcigu oggolyahay,” ayuu yidhi Wasiir Cabdiweli oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa maanta.

Wasiir Suufi waxa uu sheegay in aanay isqabanayn in madaxda xisbiga WADDANI ay dambi baadhista horteeda ku aflagaaddeeyaan madaxweynaha, waxaanu yidhi, “Madaxda xisbigu waxay baahin toos ah ka soo galeen CID-da horteeda iyagoo leh waddanka digtaytar ayaa qabsaday, haddana cid ka daba tagtay iyo cid wax tidhi midna ma jirin, markaa waxay noqonaysaa su’aashu tolow qofkani waxan uu leeyahay iyo waxan uu samaynayo maanu iska warqabin?”

“Guddoomiyuhu waa muwaaddin, hay’adaha amniguna way u yeedhi karayaan, isaguna wuu isdifaaci karayaa. Wax dhib ah oo halkaas ka jiraa ma jiro,” ayuu yidhi Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan warbaahinta kula hadlay barxadda hore ee xarunta CID-da shalay, ayaa sheegay in ciidammada su’aalo ka weydiiyeen khudbad uu toddobaadkii hore eedo ugu jeediyey madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa.

Labada Xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID, ayaa ka soo horjeeda in la furo ururrada Siyaasadda maadaama oo ay bisha Lixaad ee sannadkan ku egtahay muddada 10-ka sanno ee sharciga dalku oggol yahay inay jiraan Xisbiga Qaranka.

Xisbiga Mucaaradka ayaa ku doodaya in Doorashada madaxtooyada oo ku beegan bisha November ee sannadkan ay ka soo horeyso furista ururrada Siyaasadda isla markaana qof madaxweynaha loo doortaa uu furi doono ururrada siyaasadda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net