Xukuumadda Oo Dejisay Qorshe Lagu Xoojinayo Sidii Shaqooyinka Ajaanibku Hayo Ay U Qaban Lahaayeen Muwaadiniintu

Hargeysa, (SLpost)-  Wasaarada shaqadaha iyo arrimaha bulshada Somaliland, ayaa soo bandhigtay nidaam  lagu xoojinayo in shaqooyinka dadka ajaanibka ahi dalka ka qabtaan ay qaban karaan muwaadiniinta u dhashay Somaliland, islamarkaana loo yaran lahaa shaqo la’aanta.

Shir maanta ka qabsoomay xarunta Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, masuuliyiinta shirkadaha iyo xubno ka socday hay’addaha dalka ka hawlgala.

Wasiirka Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Cabdi Aw  Daahir ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulankan waxaanu “Waxaynu isugu nimid in aynu ka wada-tashano danta shaqada iyo shaqaalaha, shaqada iyo shaqaaluhu waxa weeyaan saldhiga dhaqaalaha, horumarka, bulshada, Ummadda  iyo shacabka adduunku, gaar ahaan inaga si gaar ah bay inoo saamaysaa Somaliland ahaan, oo haddaynu shaqo abuurka iyo shaqada aynu hagaajino waxa hagaagaya dalka dhaqaalihiisa, aqoonsiga iyo horumakiisu  intuba taasay ku dhisan yihiin.”

Dr. Cabdi Aw Daahir waxa kale oo uu mahad naq ballaadhan u jeediyay hay’addo uu sheegay in ay shaqo abuur u sameeyeen dhalinyaro badan, waxaanu yidhi “waxaan aad ugu mahadcelinayaa hay’addaha dhalinyaradeena shaqo u abuuray oo xoogoodu halkan ila fadhiyaan qaarna ay u suurtogelin inay yimaadaan. Waxaanu ka wadatashanaynay in aanu is weydiino sidee loo kobcin lahaa shaqada, sidee xuquuqda shaqada iyo loo shaqeeyaha loo xaqiijin lahaa, waxa kale oo halkan kaga wada hadalnay qodob ah in aanu ogaano shaqaalaha ajnabiga ah ee u shaqeeya shirkadaha waaweyn iyo ururada ama si gaar ah dalka uga shaqaysta si aanu  u ogaano oo xog uga helno tiradooda, waxtarkooda, waxqabadkooda iyo dhibkooda.”

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaarad ahaan ay ku dedeelayaan in shaqooyinka dadka ajaanibka ahi hayaan ay qaban karaan muwaadiniinta Somaliland, waxaanu yidhi “Ninka shaqaalaha ah ama Inanta shaqaalaha ee ajnabiga ah haddii uu jiro muwaadin shaqaale ah oo Somalilandder ah uu buuxin kara jagadiisa oo shaqadiisa qabto aanu dhiirigelino ayaanu doonaynaa oo ujeedada ugu weyni tahay. Markaanu ogaano warbixin iyo xog badan oo ah yaa inoo shaqeeya, maxaa inoo shaqayn kara, halkeebuu wax inooga qaban karaa.”

Sidoo kale Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, waxa uu intaas ku daray “Waxa jira dad badan oo ajaanib ah oo aynu u baahan nahay oo waxyaabaha aynaan khibrad u lahayn inaga caawiya oo aynu ka baranaa, mustaqbalka  soo socdaana waxaanu higsanaynaa waxa weeyaan in aynu shaqadaa inagu aynu bedeli karno. Waxa kale oo aan idinkula dardaarmayaa intii kale ee aan ka soo qaybgelin shirka dambe oo INSHA ALLAH sidan aan rajaynayo sidaynu ku go’aansanay bisha todobaad aan rajaynayo in aynu halkan iskugu nimaadno oo wixii warbixin ah ee aynu kala qaadanay  halkan iskugu nimaadno, mar labaadna aad baad u mahadsan tihiin.”