Xukuumadda oo beenisay in madaxweynuhu magacaaabay Golaha Culimada dalka

Hargeysa (SLpost)- Garyaqaanka Guud ee Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdisamad Cumar Maal, ayaa jawaab ka bixiyey hadal dhowaan ururka Qareennada Somaliland ku dedafeeyey magacaabista Golaha Culimada Somaliland oo madaxweyne Siilaanyo dhawaan abuuristooda ku dhawaaqay.

Magacaabista Golaha ayaa lagu faafiyey war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo lagu faahfaahiyey kulan dhexmaray madaxweynaha iyo Xubno ka tirsan Culimada dalka, waxaanay Ururka Qareennadu waxa uu sheegay inaanu madaxweynuhu xaq u lahayn magacaabista Golaha Culimada isla markaana uu go’aankiisu ka hor-imanayo dastuurka dalka oo jidaynaya cidda magacaabi karta Goalhaas.

garyaqaankaHaddaba, Garayaqaanka Guud ee Xukuumadda oo Maanta warbaahinta la hadlay maanta, ayaa sheegay inaanay jirin Guddi Culimo oo madaxweynuhu magacaabay iyo faafin rasmi ah oo lagu shaaciyey magacaabistooda.

“Hadalkaygu wuxuu daaran yahay in aan ka jawaabo hadal uu warbaahinta ku qoray guddoomiyaha ururka qareenada oo uu kaga hadlayay guddida culimada oo uu sheegay in qaabka loo maamulay ay tahay qaab sharci daro ah oo aan dastuurka waafaqsanayn.

Marka ugu horaysa waxaanu halkan ka cadaynaynaa in aanay jirin haba yaraatee wax guddi ah oo uu madaxwaynuhu magacaabay, madaxwaynuhu waxa uu magacaabaa waxay ku soo baxaan faafin khaasa anaa ah gar-yaqaankii guud ee qaranka , anaa ka masuula faafinta rasmiga ah. Guddi madaxwaynuhu magacaabay haba yaraatee ma jiraan, guddi la magaacabay oo aanay saxaafaddu ogayna ma jirto  madaxwaynuhu waxa uu sameeyay guddi usoo xusha culimada una gudbisa golaha guurtida sida uu dhigaayo qodobka 119  ee dastuurku waxa uu odhanayaa guddida culimada waxa xulaya xubno ka kooban xukuumadda iyo golaha guurtida oo tiro isleeg ah.” Sidaas ayuu yidhi Garyaqaanka Guud.

Garyaqaanku waxa uu sheegay in Golaha Sharci-dejinta dalku iska leeyahay awoodda ansixinta Guddiga kaddib marka madaxweynuhu soo saaro magacaabista.  “Golaha guurtida ayaana iska leh ansixinta madaxwaynuhu waxa uu xulay xubno ka kooban laba wasiir iyo laba xildhibaan isagoo raacaya qodobka 119 ee dastuurka Jamhuuriyadda somaliland, madaxwaynuhu cida uu magacaabaa waa cid kusoo baxda saxaafada madaxtooyada wax qarsoona maaha,” Sidaas ayuu yidhi Garyaqaanka Guud.

HALKAN GUJI SI AAD U AKHRISATO WARKA KU SAABSAN GUDDIGA OO MADAXWEYNUHU MAGACAABAY