Xukuumadda oo ballan-qaad aan muddaysneyn ku qancisay Naafada iyo Agoomaha Ciidanka Qaranka oo Cabasho la hortagay Xarunta Madaxtooyada

Hargeysa, 06 March, 2012 (SLpost)- Badhasaabka Gobolka Maroodi jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) iyo Ku-simaha taliyaha Ciidanka booliska ahna Taliyaha Ku Xigeenka  Ciidanka Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Axmed “Fooxle” ayaa Maanta qaabilay qaar ka mid ah naafada ciidamada oo maanta cabasho la hor tagay Xarumaha Madaxtooyada Wasaarada Arrimaha Gudaha, waxaanay u ballan-qaadeen in cabashadooda wax laga qabanayo

Ku-simaha taliyaha Ciidanka booliska ahna Taliyaha Ku Xigeenka  Ciidanka Boolisku Cabdiraxmaan Liibaan Axmed “Fooxle” oo warbaahinta u warramayay ayaa sheegay inay isla meel dhigeen cabashada ay tirsanayeen naafada ciidamada oo ka cabanayay mushaharkoodii oo laga jaray iyo garaamkii ay ka qaadan jireen waxaanu xusay inay ka dalbadeen inay iska soo dhex saaraan gudi kala hawl gasha xal u helidda arrintooda, waxaanu uu taliye ku xigeenku kula dardaarmay in mudada ay hawshan ay ku jiraan ay iyaga ka warsugaan.

Ku-simaha Taliyuhu waxa uu meesha ka saaray inaanay jirin wax tacaddi ah oo ay ciidamada boolisku kula kaceen dadka danyarta ah ee ku ganacsan jiray Suuqa weyn ee Caasimada dalka ee Hargaysa.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Axmed Cumar Xaashi Cabdilaahi (Xamarje) ayaa dhiniciisa ka sheegay in cabashadaas si wanaagsan oo wadaniyadi ku jirto ay isula meel dhigeen naafada, waxaanu xusay in meel shaqo ka socoto aan laga waayayn isfahmi-waa. Waxa uu Gudoomiyuhu u mahad naqay naafadan isagoo u ballan qaaday in wixii xuquuq ah ee ay tirsanayaan ay sida ugu dhakhsaha badan u heli doonaan.

SLpost.net

info@somalilandpost.net