Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo mar kale Mushaharooyinka u kordhinaysa Shaqaalaha Dawladda

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Cabdi-casiis Maxamed Samaalle ayaa shaaca ka qaaday in sanadka fooda innagu soo haya ee 2014-ka mushaharka mar kale loo kordhin doono Shaqaalaha dawladda oo dhan.

Wasiirka Maaliyaddu waxa kale oo uu tilmaamay in odoroska Miisaaniyadda xukuumadda dhexe ee sanadka 2014-ka la gaadh siin doono 150 malyan oo Dollar.

Wasiir Samaale waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu shalay hor-tagay Barnaamijka la yidhaahdo “MAQAL DADKAAGA” ee ka baxa TV-ga Qaranka, halkaasi oo dadweyuhu ay Wasiirrada ku weydiiyaan su’aalo la xidhiidha shaqadooda. Wasiirka maaliyaddu ugu horayn waxa uu tafaasiil ka bixiyay horusocodka ay xukuumadda Axmed Siilaanyo ka samaysay kor u qaadista dakhliga dalka sadexdii sanadood ee ay xilka hoggaaminta haysay, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Sadexdii sanadood ee xukuumaddan Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo Madaxweynaha ka yahay ay xilka haysay, sanad walba miisaaniyadda iyo dakhliga dalku wuu kordhayay. 2010-kii xiligii ay xukuumaddani xilka la wareegtay miisaaniyadda dhan ee qaranku waxay ahayd 47 milyan oo Dollar. 2011-kii illaa 87 milyan oo Dollar ayaa la gaadhsiiyay, sanadkii ka dambeeyay ee 2012-kiina waxay miisaaniyadda qaranku gaadhay 106 milyan oo Dollar.

Halka sannadkan aynu ku jirno ee 2013-ka aanu Miisaaniyadda iyo dakhliga dalka gaadhsiinay 125 Milyan oo Dollar. Waxa kale oo aanu rajaynaynaa sanadka fooda innagu soo haya ee 2014-ka inaanu gaadhsiino kordhiisamadda sanadkan mid leeg inaanu kordhino oo kor u qaadno dakhliga dalka. Waxaanan rajaynaynaa inaanu ku dhaweyno ILLAA 150 Milyan oo Dollar haddii ILAAHAY qadarro.”

Wasiirku isagoo isla miisaaniyadda sharaxaad ka sii bixinayay waxa uu yidhi “Miisaaniyadda dawladda, marka laga tago miisaaniyadda xukuumadda dhexe oo ay soo hoos galayaan miisaaniyadaha Haa’yado kale oo dawli ahi waxay sanadkan ahayd 187 milayn oo dollar, waxaanu rajaynaynaa sanadka fooda innagu soo haya ee 2014-ka inaanu gaadhsiino miisaaniyadda illaa 200 oo milyan oo Dollar.

Waxyaabahaasi oo dhammi waa waxyaabo aan odhan karo ILAAHAY-baa inoo fududeeyay, awoodaasna ILAAHAY baa iska leh waanan uga mahad-naqaynaa. Waxaanay arrintani ku timid dedaal ay samayeen shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda iyo wasaaradaha kale ee la shaqeeyaa ay sameeyeen.” Wasiirka Maaliyaddu waxa uu si weyn ugu mahad celiyay dadweynaha iyo Ganacsatadda cashuur bixiyeyaasha ah oo uu tilmaamay inaanay la’aantood waxba u suurto galeen.

“Waxa iyaguna aan halkan uga mahad-naqayaa oo in loo mahad-naqo mudan dadweynaha Somaliland ee cashuur bixiyeyaasha ah, waxaanan qabaa iyaga la’aantood inaanu dakhligeenu halkaasi gaadheen, waxaan u mahad naqaynaa qeybaha kala duwan ee dadweynaha sida Tijaarta waaweyn iyo kuwa yar-yar-ba. Waxaan xataa u mahad-naqaynaa dadka shaqooyinka aadka u yar yar ka shaqeeya. Sida xil-kasnimadda ah ee cashuurta loo bixiyo ayaa sabab u ah in dakhligeenu halkaas gaadho.”

Md. C/Casiis Samaalle waxa uu sheegay miisaaniyadda dalka inteeda badan waxa lagu daboolaa ilaalinta nabad-gelyadda iyo ammaanka dalka. Waxa kale oo uu tilmaamay in miisaaniyadda sanad walba lagu darro mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin waddooyinka, kalluumaysiga iyo horumarinta adeegyadda bulshadda. “Waxaanan hilmaamayn runtii darajooyinka ciidammadda kala duwan ee dalka in miisaaniyad sanadeedka 2013-ka ee hadda aynu ku jirno inaanu gelinay oo aanu ku sii tallo galnay in dhammaadka sanadkan ciidammadeenu ay derajo ku qaataan mushaharka. Waxaanan ugu tallo-galnay in min dable illaa Janan ay derajooyinkooda ku siino mushaharka. Waxaanan uga bilaabaynaa gunaddii derajooyinka bishan September ee hadda bilowga ah afarta bilood ee sanadkan ka hadhay way ku sii jirtay gunnadda derajooyinku miisaaniyadda.

Sanadka 2014-kana haddii ALLE yidhaahdo Miisaaniyad balaadhan ayaa galaysa odoroska Miisaaniyadda oo derajooyinka ciidanka la xidhiidha. Waana markii koowaad ee ciidankeenu ay derajooyin yeeshaan, waxaanay arrintani horseedaysaa qurux iyo haybad qaran,”ayuu yidhi Wasiir C/Casiis Samaalle.

Wasiirka Maaliyaddu waxa uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Wasaaradda Gaashaan-dhiga ku bogaadiyay hirgelinta derajooyinka ciidammadda dalka oo uu tilmaamay inay tahay tallaabo weyn oo horumarka dalka turjumaysa. “Wasaaradda Maaliyad ahaanna waanu ku faanaynaa inaanu miisaaniyadda gelinay oo ku sii xisaabtanay gunooyinka derajooyinka ciidanka, lacagta ugu yar ee askariga dablaha ah u kordhaysaa waa 6 dollar, inta kalena derajo kasta waxa ku kordhaysa lacag, jananka waxa u kordhaysa saddex illaa afar Boqol oo Dollar,”ayuu yidhi Wasiirku.

Md. Samaalle waxa uu tilmaamay in wax lagu faano ay tahay in miisaaniyadda lagu daray dhismeyaal badan oo Wasaaradaha dalka xukuumaddu u dhistay. “Waxaanu ku tallo jirnaa Haddii ALLE yidhaahdo in odoroska Miisaaniyad sanadeedka 2014-ka ee fooda inagu soo haya inaan ku darno mushahar kordhin loo samaynayo shaqaalaha dawladda iyo ciidammadda oo dhan. Iyadoo sanadkii 2011-kiina shaqaalaha dawladda iyo ciidammaddaba mushaharka loo kordhiyay.”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.