Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ku Gacan-saydhay Baaqyo talooyin xambaarsan oo Xisbiyada Mucaaradka ahi u jeediyeen

Maxamed Biixi YoonisHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ku gacan-saydhay baaq axsaabta Mucaaradku ugu jeediyeen inay faraha kala baxdo wada-hadallada ay kula jirto Somalia oo ay ku tilmaameen mid lagu hoos-qarinayo jallaafooyin siyaasadeed oo Qaranimada Somaliland waxyeello u geysanaya

Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID ayaa bishan horaanteedii si midaysan xukuumadda Somaliland ugu soo jeediyey inay ka baxdo wada-hadallada Soomaaliya, iyaga oo taas ku sababeeyey ballan-qaadyo iyo heshiisyo lagu gaadhay wejiyadii hore ee wada-hadallada oo dawladda Xasan Sheekh Maxamuud ka baxday, sidaas awgeedna aanay ku istaahilin in wada-hadalladu sii socdaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis oo maanta war-fidiyeennada ugu warramayey garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ka dib socdaal maalmo qaatay oo dalka Itoobiya uu kaga soo laabtay, ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan diyaar u yihiin sii-wadista wada-hadallada u dhexeeya labada waddan oo uu ku tilmaamay inay Somaliand dan weyni ugu jirto.

Wasiirka Maxamed Biixi Yoonis oo la weydiiyey waxa ay xukuumad ahaan kaga jawaabayaan baaqyada Axsaabta Mucaaradku ku soo jeediyeen in laga baxo wada-hadallada, waxa uu ganafka ku dhuftay soo-jeedimaha mucaaradka, isaga oo ku adkaystay inay sii wadayaan ka-qayb-galka wada-hadallada u dhexeeya Somalia ee ay dawladdaTurkigu marti-gelintiisa gacanta ku hayso.

“Waxaanu qabnaa inay danta Somaliland ku jirto inay wada-hadalladu sii socdaan, caalamkuna uu ina dhex-galo oo Turkiga iyo Dawlado kale oo fara-badaniba ay ka soo qayb-galaaan,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis.

Wejiga Lixaad ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo la filayay inay qabsoomaan bishii hore, ayaa dib loogu riixay ilaa Bisha Siddeed ee sannadkan. Haseyeeshee waxa muran xooggani ka taagan yahay isla markaana aanay labada dhinac wali isla meel-dhigin gacan ku dhigista maamulka hawada Sare ee dalweynihii laysku odhan jiray Soomaaliya oo xilligan maamulkeedu gacanta ugu jiro hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duullimaadyada Caalamiga ah ee ICOA. Waxaanu is-marin waagani meesha ka saaray qodobbo ka soo baxay wejigii u dambeeyey wada-hadallada oo labada dhinac heshiis ku gaadheen in maamulka Hawada ay si wada-jir ah u maamulaan isla markaana xarunta laga maamulayaana noqoto magaalada Hargeysa, balse waxa qodobkaas jebisay dawladda Soomaaliya oo doonaysa in keligeed lagu wareejiyo maamulka hawada Sare, arrintaas oo ah sababta ay axsaabta mucaaradku ku daliishanayaan in la joojiyo wada-hadallada Soomaaliya.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net