Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Digniin u jeedisay Xisbiyada Mucaaradka ah

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Digniin u jeedisay Xisbiyada Mucaaradka ahHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa digniin u jeedisay Siyaasiiyiin Xisbiyada Mucaaradka ee dalka oo ay ku eedaysay inay sifo khaldan oo waxyeello u geysanaysa Isku-xidhnaanta shacabka iyo nabadgelyada dalka uga faa’idaystaan dhacdooyinka saamaynta ku leh masiirka umadda ee ka dhaca shacabka dhexdiisa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta warbaabinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu xisbiyada mucaaradka ah uga digay inay dhaliilo masuuliyaddeeda ay xukuumadda saaraan uga faa’idaystaan dhacdooyinka ka dhasha tabashooyinka beelaha, taas oo uu tilmaamay inay ka-hadalkeeda u maraan sifo nidaamka siyaasiga ah baalmarsan oo xasilooni-darro ka abuuri karta dalka.

HALKAN KA DAAWO HADALKA WASIIRKA