Xukuumadda Kulmiye oo Axsaabta siyaasadda ku tilmaamtay Gabbood ay Cadowga Somaliland ku dhuuman karaan

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Somaliland Md Cali Siciid Rayagal, ayaa sheegay in xubno cadaw ku ah  qaranimadda Somaliland ay ku  dhex dhuuman karaan axsaabta mucaaradka ah.

Wasiir Raygal oo hadal ka jeediyay xaflad qaadhaan loogu ururinayay dhismaha waddada u dhaxaysa magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo xalay lagu qabtay Hudheelka Imperial ee magaaladda Hargaysa, ayaa sidoo kale shacabka Somaliland uga digay in aanay waxba ka maqlin xubno uu sheegay in ay siyaasadda ku hafadeen, isla markaana garan la’a meel ay wax u kexeeyaan.

Waxaanu tilmaamay in siyaasiyiin ku fashilmay hoggaaminta Somaliland ay xukuumadda eedaymo aanay waxba ka jirin markasta caado ka dhigteen in ay u jeediyaan. waxaanu yidhi “Nin siyaasadda ku margaday oo wax badani ay seegeen, oo sidii ninkii fulayga ahaa isaga oo faraska saran faraska ka degay, ee inta uu orday faraskii aamini waayay ee garan-waayay meel uu wax u kexeeyo, ummadda Somaliland u maqli mayso. Somaliland waa dal jira oo qaran ah, ayaanay beesha caalamku ina aqoonsanine. Cadaw way leedahay, cadawgaasi ama guddaha ha noqdo ama dibada ha ka yimaado”.

Cali Siciid RaygalWasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Innagu axsaab qaran ayaynu samaysanay, waxa aynu u samaysanay saddexda xisbi qaran in si dimuqraadiyad ah, in si sharaf ah loogu soo tartamo kursiga, oo dadku isaga oo xor ah uu tartanka ka qayb galo, axsaabta qaranka nin in ay Somaliland dunto doonaya ayaa ku soo gaban kara, markaa waa in aad ogaataan oo in uu qaranka mijo xaabin karo aad ogaataan, oo aad indho dheer u yeelataan” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in xukuumaddan talada hasya uu qorsheheedu yahay in ay ka shaqayso waxqabad dhinacyo badan leh, sida wadooyinka, caafimaadka, deegaanka beeraha iyo meelaha kale ee muhiimka ah.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net