Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye oo Weji-siyaasadeed khilaaf hor leh abuuri kara ku fasiray Dhawaaqyada Mucaaradka ee Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost)- Xukuuumadda Somaliland iyo Xisbigeeda Kulmiye, ayaa maanta jawaab ka bixiyey baaqyo iyo Hanjabaaddo ka soo yeedhay Isbahaysiga Mucaaradka ah ee dalka oo ku gooddiyey inaanay Aqoonsanayn isla markaana aan la kala xigin Kursiga madaxweynaha marka la gaadho 26 June oo ku beegan wakhtiga loo qorsheeyey inay dalka ka qabsoomaan Doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka, balse dib-u-dhac ku yimi kaddib markii Guddiga doorashooyinku diiwaangelinta Codbixiyeyaasha doorashada ku riixeen inay qabsoomayso bisha July ee sannadkan.

labadoodaIs-bahaysiga Mucaaradka Somaliland oo ka kooban Xisbiyada UCID iyo Waddani iyo siyaasiyiinta ku bahdowday Madasha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa shir-jaraa’id oo ay dhowaan ku qabteen Hargeysa, waxa ay ku baaqeen la isugu yimaaddo Shirweyne Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanayo), kaasoo ay ku sheegeen in loo baahan yahay in lagaga wada-tashado waxa la yeelayo marka muddo-xileedka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu dhammaadaan 26 June 2015-ka iyo inta dalka doorashada gaadhsiin doonta, maaddaama oo ay Guddiga doorashadu caddeeyeen xilliga bilawga iyo dhammaadka diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha. Waxaanay Is-bahaysiga Mucaaradku sheegeen haddii Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo diido Shirka Wada-tashiga ah ee ay ku baaqeen inuu hoggaamiyo Madaxweynuhu inay qaban doonaan Shir lagu kala tashado, waxaanay ku doodeen inay muhiim tahay in Madaxweyne Siilaanyo aqbalo baaqooda oo uu hoggaamiyo shirkaas, markaa talo Qaran oo lagu midaysan yahay oo aan cid gaari lahayn laga soo saaro.

Haddaba, Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Xukuumaddiisa oo maalmihii u dambeeyey diyaar-garow ugu jiray sidii ay ugu jawaabi lahaayeen mucaaradka, ayaa munaasibad dhoolatus ah oo lacag fara-badan lagu kharash-gareeyey, laguna qabtay Hotel Maansoor ee Hargeysa, waxa ay kaga jawaabeen baaqaas mucaaradka ee ku saabsan doorashooyinka, balse waxa uu Xisbiga Kulmiye dhawaaqa Mucaaradka ku tilmaamay faro-gelin siyaasadeed oo ay dabada ka hagayso Dawladda Soomaaliya.

Munaasibaddan oo ay ka qayb-galeen boqolaal qof oo ka tirsan taageerayaasha Kulmiye oo ay hoggaaminayaan Madaxweyne Ku-xigeenka, guddoomiyaha Kulmiye, Wasiirro xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno, masuuliyiin iyo taageeroyaal tiro badan, waxa ugu horeyn ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, waxaanu sheegay in laga gudbay wakhtigii la dhegaysan jiray hanjabaadda shakhsiyaad, kooxo iyo beelo.

“Dadkan iyo dawladdani waxay dhisteen nabad iyagu ay gacmahooda ku sameeyeen, mana dhici karto inay jiraan cid dhaq-dhaqaajin karta. Waynu dhaafnay wakhtigii qofku hanjabi jiray, waynu dhaafnay wakhtigii kooxo hanjabi jireen, waynu dhaafnay wakhtigii Qoysas hanjabi jireen. Maanta waxaynu gacanta kuhaynaa nabadgelyada waddankeenna, waana hubaal, waanad ku seexanaysaan, kuwa khaldanna waxaanu leenahay Illaahay ha idin soo hadeeyo, kuwa nabadgelyo-darrada ku naalooyana waxaan leeyahay Ilaahay Saxa ha idin tuso,” Sidaas ayuu Yidhi Cali Waran-cadde.

warancadeWasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu ku dooday inay gacan shisheeye ku jirto dhaq-dhaqaaqyada iyo hadallada ka soo yeedhay xisbiyada Mucaaradka, waxaanu yidhi, “Shalayto waxaynu wada-hadal la lahayn Soomaaliya, waxay Somaliya dabada ka soo kaxaysay dad ku abtirsada Somaliland, waxay dadkaas u soo kiraysatay inay duudsiyaan xuquuqda dalkani u leeyahay gooni-isu-taaggiisa. Waxaan idiin sheegayaa inaydaan biciidsanin kuwo kale oo halkan jooga in loo soo kiraysto dibin-daabyada dalkeenna.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku gooddiyey inaanay Xisbiyada Mucaaradka ka yeeli doonin Hanjabaad ay khal-khal ku galiyaan ammaanka dalka, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Ka Yeeli mayno, oggolaanna mayno hadday xisbiyada mucaaradku nagala gudbaan xayn-daabka sharciyadda qaranka. Waxaanu diiyaar u nahay inaanu dhegaysanno Xisbiyada mucaaradka ah taladooda iyo cabashadooda oo hadday Gar yeeshaan ka garowno, balse ka aqbali mayno inay umadda khal-khal geliyaan,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi, isaga oo intaas ku daray, “Waxaynu dawladnimada u samaysannay inay ilaaliso ammaankeenna iyo sharciga. Haddaanu Kulmiye nahay waxaanu umadda u ballan-qaadaynaa 26 June in dalku ammaan ahaanayo, waxna aanay dhacaynin.”

muuseMuuse Biixi waxa uu Xisbiyada mucaaradka ugu baaqay inay hanjabaaddooda iyo caga-juglayntooda looga baahan yahay inay ku difaacaan qaranimada Somaliland, “Nimanka maanta ku hanjabayada 26 June jiri mayso dawladi, waxaan u sheegaynaa cid kale ayaa idiinka baahan hanjabaaddaa; xoogga iyo buuqa aad halkan la imanaysaan waxa inooga baahan dawladda daciifka ah ee Xamar lagu ilaaliyo ee dastuurkeeda ku qoratay inay Somaliland ka mid tahay Soomaaliya. Kuwaasaa u baahan in lala hadlo, uma baahnin inaynu wada-muranno,” Sidaas ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

SOMALILANDPOST.NET