Xukuumadda iyo Shirkadaha Is-gaadhsiinta oo isla qaatay hirgelinta Nidaamka Isku-xidhka Khadka telefoonada

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Boosaha Somaliland iyo Shirkadaha Madaxa bannaan ee Isgaadhsiinta dalka, ayaa Kulan ay maanta ku yeesheen Xarunta Wasaaradda, waxay iskula qaateen sidii loo samayn lahaa hanaan isku xidh oo ay ku wada xidhiidhaan shirkadah dalka.

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Boosaha, Agaasimaha Guud iyo Wakiillo ka socday shirkadaha Is-gaadhsiinta ee dalka ka hawl-gala, ayaa lagu lafo-guray sidii loo dejin lahaa nidaam suurta-galiya isku-xidh lagu xidhiidhiyo khadka is-gaadhsiinta ee shirkadaha.

HALKAN KA DAAWO