Xukuumadda Ingiriiska oo walaac xooggan ka muujisay Noocyada Hilibka ay iibiyaan Meheradaha cuntooyinka Fudud

London (SLpost)- Raysal-wasaare-xigeenka dalka Ingiriiska Nick Clegg ayaa werwer weyn ka muujiyey meheradaha cuntada fudud ee dalkaa oo qaarkood lagu iibiyo kebab laga sameeyey hilibka jiirka.

Sida lagu baahiyey wargeyska Independent, Mr. Clegg ayaa hadalkan jeediyey ka dib markii ay soo baxday warbixin hay’adda tayada cuntada ee dalkaasi ka soo saartay baadhis ay ku sameeyeen hiliba solayga ah ee meheradaha cuntooyinka fudud sameeyaan, kuwaas oo ay ugu badan yihiin hilibka lo’da oo ka qaalisan hilbaha kale ee solayga ah ee ay ka mi dyihiin digaagga. Waxaana baadhistan lagu ogaaday inay jiraan hilbo kale oo shaki laga muujiyey noocooda.

cleggkebabBaadhistan ayaa lagu ogaaday inay beddeleen hilibka lo’ada, hilbo kale oo noocooda la garan-waayey, ka dib markii laga shakiyey sababta ay meherada qaarkood qiimaha jaban ugu iibiyaan cuntooyink Kebabku ka mid yahay, halka qaar kale aanu qiimahoodu waxba iska beddelin.

Raysal-wasaare xigeenka Ingiriiska oo la weydiiyey in werwerkiisu la xidhiidho hilibka bisadaha, eyda iyo jiirka ee ka muuqda cuntada kebaabka ee baadhistu soo saartay, ayaa lagu ku jawaabay, “Werwer weyn ayuu leedahay hilibkaasi. Waxaan ka filayaa saraakiisha caafimaadku inay hoos u eegaan arrinkan,” ayuu yidhi.

Warbixinta hay’adaha tayada cuntada ayaa lagu sheegay in 60 Nooc oo Cuntada ka kooban hilbaha la solay baadhitaan ku sameeyeen lagu ogaaday in 29 ka mid ah shaki lahaayeen, 17 ka mid ahna hilib aan hagaagsanayn ku jiray, halka inta soo hadhayna hilbaha ku jira nooca la caddeyn kari waayey.

Cuntada kebaabka oo badi laga sameeyo hilibka lo’da oo qaali ah awgeed, ayaa la sheegay in meheradaha cuntooyinka fudud bedelkooda isticmaalaan hilib raqiis ah.

 

SOMALILANDPOST.NET