“Xukuumad Wakhti Koobani U Hadhay Oo Sii Socotaa Ma Geli Karto Heshiisyo Caalami Ah” Ismaaciil Buubaa

(SL.Post) Siyaasi ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa sheegay in Xukuumaddan madaama muddo xileedkeedii u hadhay saddex bilood in aanay gali karin heshiis caalamiya, waxaanu tilmaamay in dhaqanka Caalamiga dhigayo haddii Xukuumad wakhtigeedu sii dhamaanayo inay sharci daro tahay in aanay heshiis caalamiya gaho.

hure

Siyaasi ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale been abuur iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay inay Cabdiraxmaan Cirro iyo Raysal-wasaaraha Somaliya kulmeen, waxaanu yidhi “Dhaqanka Caalamka, Dawlad haddii uu wakhtigeedu sii dhammaanayo, wax heshiis caalamiya ma sii gasho, Dawladdani wey ka sii socotaa meesha, waana la ogsoon yahay in aanu Madaxweynuhu meesha sii joogi doonin, in Dawlad cusubi iman doonto waa la wada ogsoon yahay, Dawladda Imaraadkuna ilaa ay hubsato inay Dawlad cusubi timaado ilama ah inay heshiis la gasho Dawladda, kuwa halkan jooga ee leh wax baanu wad wadnaana wax ka badan wada hadal maaha”.

Siyaasi Buubaa mar uu ka hadlaayey safarkii ay ku tageen Nayrobi iyo wararka sheegaya inay kulmeen Cabdiraxmaan Cirro iyo Raysal-wasaaraha Somaliya wuxuu warkaas ku tilmaamay mid been abuur ah.

Somalilandpost.net