Xukumadii Rayaale, Soo hadal-Qaadka Soomaaliya Wuxuu Ahaa Sidii Qof Danbi Galay, Ee Maxaa Is Beddelay? – W/Q: Mukhtar Bulshaawi

Shirwaynihii Burco 1991-kii, wixii ka danbeyay malinba  maalinta ka danbaysa Somaliland iyo Somalia waxa ay ahayeen qaar sii kala fogaanaya oo laba waddan kala noqonaaya inkastoon Somaliland la ictiraafin, 1991 ilaa 2010-kii waxa dhulka Somaliland aad ugu adkayd in qof dhex jooga Somaliland iyo shacabkeeda uu soo hadal qaado magaca Somalia, iska daa inuu yidhaahdo dib ayay u midoobayaane, soo hadal qaadka ayay Danbi u arkayeen shacabka Somaliland, wakhtigii uu madaxwayne Rayaale xilka hayay waxa aad looga wada dharagsanaa in heshiis dhex mara Somaliland iyo Somalia ay isku jireen inta cirka iyo dhulku isku jiraan, oo xataa maalmaha dadku isku soo baxaan ee munaasibadaha Qaranka Somaliland ah, marka fagaarayasha lagu kulmo qofka Somalia iyo hadal ka soo horjeeda Qaranimada Somaliland laga maqlo dadwaynuhu iyo dhalinyaraduba way dili jireen waxaana qofkaasi loo qaadi jiray isagoo sidii mayd ah, ha yeeshe, maanta waxa aad suuqyadda magaalooyinka waa wayn ee Somaliland ku dhex arkaysaa iyadoo dadku si caadi ah loo hadal hayo hadalo gaf ku ah Qaranimada Somaliland, waxa aad arkaysaa siyaasiyiin la kulmaaya dawlad ku sheegta Konfur, Runtii Qarrankan waxa lagu dhisay dhiiga rag noloshooda u hibeyay inay awlaadoodu ku noolaadan nolol ka duwan ti ay ku noolayeen ee ahayd cabudhinta,Dilka, dhaca, kufsiga, Qabyaalada iyo xatooyada oo ay gaysan jireen Siyaad Barre iyo hawlwadeenadiisi Caqliga fayow aanu meelna u soo marin, Qarrankan Somaliland waxa lagu dhisay in Qarranimada Somaliland aan marna gorgortan la galin oo aan cid kale lagala hadal, maanta waxa nasiib darro ah inakoon layna ictiraafin oo aan wadamada aduunka aqoonsi ka haysan in aynu wali u hanqal taagno Somalia iyo midow danbe oo Ina dhex mara, malaha waxa aad mooda in Jibadii 1960-kii ina qaaday ay soo rogaal celisay, hasa ahaate, Jibadu meel inama gaynayso waa tii ina dhaxal siisay in aynu diyaarada ay cashurta ka bixiyeen hooyooyinka suuqa ku ganacsanayaa ee garoonkoonda ka duushay in ay dib u rushayso iyaka oo waliba maydkooda dhulka wadhay, watii aqoonyahanada wax bartay lagu xukumayay dil togasho, hadaba,

 Su’aasha meesha taal waa Maxaa Is Badalay?

Akhirste, jawaabta meel dheer haka donin, waxa is badalay sharcigii xakamaynayay Qofka ka Qayb gala ama Taga meel Somalia lagu hadal hayo, Sharcigaas waxa badalay Xukumadda maanta jirta oo u adeegsatay in ay kaga qayb gasho Sharkii lagu qabtay London, shirkaas guul haka soo hoyato lakiin hadaad Hal Guul ah oo aad heshay kuu horseedayso Tiro Guul Darro ah, ama Qarran dhan inuu ku Liico, ma Faa’iido ayaad gaadhay, jawaabta adaan ku dhafayaa akhriste, waxa aad Mooda in sharcigaas dabarka ka fayday Qimiihii ay lahayd Qarranimada Somaliland, Waxa uu ahaa Sharci adag oo qofka xakamaynaaya, dadka iyo Ummadda Wada Noolna Sharci ayaa kala haga, si aan Maanta uga baxno waxa muhiim ah in dib loo soo celiyo sharcigii hore ay xukumada mantu u jabisay kaas oo faa’iidada uu Somaliland u lahaa maanta ay garawsan tahay Xukumadu, waxan Qoraal aan Qoray wakhtigii shirka London ay xukumadu ka qayb galaysay ku sheegay in sharcigaas la jabiyay noqon doono tusbax furtay oo kale, maanta imisa siyaasi ayaa u hanqal taagaya Somalia, imisa Suldaan ayaa u hanqal taagaya, runtii, waxa muhiim ah inaynu is waydiino halkay sartu ka qudhuntay, Caqliga iyo garashada Illahay waxa uu inoo siyay inaynu ku kala garano waxa inoo xun iyo waxa inoo wanaagsan.

Gabagabadii, waxan kula talin lahaa Xukummadda Maanta Jirta in ay Qaranimadda Somaliland ilaaliyaan taas oo ah waajib saaran ee dadku u doortay, sharciga iyo nidaamka dalkana dhawraan, waxa jiri doonta maalin dhalinyarada maanta 22 jirka ah ay dalka maamuli donaan, kuwaas oo ay ku wayn tahay Qarranimada Somaliland aan aqoon u lahayn waxay Somalia Tahay, waxa jiri doonta maalin aan qofka hargeisa jooga soo hadal qaadi donin Somalia iyo Midow danbe oo ina dhex mara, waxa aan ka mid ahay dhalinyarada Qadiyada Somaliland ku barbaaray kuna adag, sababtoo ah markaan ku dhashay Somaliland, kuna barbaaray, aan waalidkay ka maqlay wadankaagu waa Somaliland anan magac kale iyo wadan kale maqal, aan ka qayb qaatay dabaldaga 18 may, 20 sanno iyo ka badana ay maskaxdayda ka dhex guuxaysay Somaliland xageen u dhaafa, se suura gal ma tahay in lanaga dhaadhiciyo Somalia, se is waydii intee aqoon u leyihiin dhalinyarada Somaliland wadanka aynu jaarka nahay ee Somalia, kaliya waxa aan aragnaa uun inay is dilayaan oo maalinwalba kooxo cusub ka dilacayaan, sawir kaas ka duwan miyaa jira oo aan ka aamini lahaa, Illahayna waxa aan ka baryaaya inuu Qarrankan badbaadiyo kana dhawro Midow Danbe oo Soomalia na dhex mara.

Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi)

Mukho4me@hotmail.com