Xukumadda Somaliland Oo Ku Hawlan Kala Shaandhaynta Kumanaan Qof Oo Ajaanib Degenaansho Doona Ah

Hargeysa (SLpost) Xarunta wasaaradda dib u dejinta Somaliland ayaa la ciir ciiraysa kumanaan qof oo ajaabin ah, kuwaasi oo raadinaya warqada degenaanshaha ama sharciga ay waddanka ku joogi lahaayeen. Arrintan ayaa daba socota qorshaha xukumadda Somaliland dadka ajaanibka ah dalka kaga saarayso, iyadoo todobaadkii tagay inka badan kun qof waddanka laga saaray sida uu hore u sheegay taliyaha boolisku.

Xogo Wargeyska Warsugan ka helay hawl wadeennada xafiiska diwaangalinta ajaanibka dalka ku sugan ayaa sheegay in ku qiyaasan toban kun oo qof oo qaxoonti iyo magangalyo raadis ahi ku sugan yihiin Somaliland. Dadkaasi oo gacan ka hela Somaliland iyo hay’addaha qaxoontiga iyo socdaalka qaabilsan oo taakuleeya. Dadkaasi ayaa hadda loo cusboonaysiinayaa warqaddaha hore loogu diwaangaliyay.

Geesta kalena dad aan qiyaastooda la hayn oo wadanka sharci darro ku joogay ayaa qorshaha xukumadda kadib dalbanaya warqado sharci ah oo ay dalka ku joogaan, kuwaasi oo wasaaradda dib u dejintu diwaangalinayso wixii shuruudaha buuxiya. Xukumadda ayaa hore u sheegtay in cidii dalka degen ama ka shaqaysata la siin doono warqad degenaansho ah balse ay shuruudu tahay in la helo muwaadiniin Somaliland ah oo wakiil ka noqota. Dhammaadka bishan wixii ka dambeeya ayay xukumaddu qorshaysay in ciddii aan sharci haysan ay waddanka ka saari doonto.

Agaasimaha wasaaradda dib u dejinta ayaa saxaafadda uga warbixiyay dadka wadanka ku sugan ee ajaanibka ah, waxaanu sheegay inay talo bixin, wacyi galin iyo adeegyo kale u qabtaan “Waxyaabaha aanu eegno qofku marka uu noo yimaado waxaa ka mid ah In aanu ka jawaabno qofku ma qof qaxoonti ah baa, ma qof magan galyo doon ah baa, ma qof tahriibayaa, ma qof Somaliland ah oo barakac ah baa, yacnii cidda uu yahay qofku marka aanu hubinno ayaanu cidda ay khusayso u gudbinnaa,” ayuu yidhi agaasimuhu.

Dadka ajaanibka ah ee Somaliland ku sugan ayaa u kala dhashay waddamada Itoobiya, Somalia, Yemen iyo waddamo kale oo Suuriya ka mid tahay. Inta badan qaxoontiga dagaalka Yemen ka soo qaxay ayaa ah kuwo diwaangashan, halka bulshada ka soo talowday Itoobiya iyo Somalia ay yihiin kuwo aan sharci ku joogin Somaliland, lana eegi doono sida ay fursado sharci u helaan wakhtiga xukumaddu u qabatay.

Xigasho Warsugan