Xukuumadda Somaliland oo ka Hadashay Degmo Ingiriiska ka mid ah oo Aqoonsatay Somaliland

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in dawladda Somaliland soo dhawaynayso go’aan ka soo baxay golaha degaanka ee degmada Tower Hamlets ee magaalada London.

 

 

Golahaasi ayaa habeen hore la horkeenay mooshin ku aadan aqoonsiga Somaliland oo ay riixaysay haweenay reer Somaliland ah oo golahaasi ka tirsan, wuxuuna golahaasi si aqlabiyad ah u ansixiyay mooshinkaasi, iyagoo sidaasi kaga mid noqday goleyaal degaan oo Ingiriiska ka tirsan oo aqoonsaday Somaliland.

 

 

Sidoo kale wasiirka khaarajigu wuxuu ka hadlay qorshe la sheegay in dawladda Turkigu damacsan tahay in wada hadalada Somaliland iyo Somalia loo wareejiyo madaxdhaqameedka, isagoo ku dooday inaanay arrimahaasi ka war hayn. Waxa uu sheegay in Turkigu wax ka bedelayo qorshihii hore ee uu wada hadalkaku dhexdhexaadin jiray.

https://youtu.be/2US8r3N0MNw