Maraka hore waxa aan halkan ka salaamaya dhamaan saxaafada madaxa banan iyo shacab waynaha rere somaaliland meel kesta oo ay joogan hadii aan ku soo dhawaado fikirkayga
Sida aynu wada ognahay waxa ay shacabka rere Somaliland ay ku naaloonayeen 22kii sano aynu soo dhaafnay xoriyatul qal iyo dimuquraadiyada gaar ahaan saxaafada madaxa banan hadaba xukuumada maanta talada haysa oo in aliyaale intii ay mucaaridka ahayd ku doodi jirtay in xoriyatul qalka la gu tumanayo mar aliyaale markii ay xukuumada siilanyo ku guulaysatay ayay waxa ay wixiiba u badeshay hal bacaad lagu lisay gaar ahaan saxaafada, hadaba waxa aan leeyahay maxaa uga dhex muuqday xukuumada wargaysaka Hubaal iyada oo aynu ognahay in ay markii horeba uu arinku ka dhacay wererkii ay soo abaabuleen rag xukuumada katirsani sida aynu ognay waxa jira waxayaabo anshaxa binu aaadmiga ka baxsan hadaba waxa aynu ognahayin ay hadana markel ay albaabada u laabtay xukuumadu wargaysak Hubaal iyada oo u soo martay xeer ilaaliyaha oo ay amarkaana fulisay maxakamada Gobolka Hargaysa isla markaana ay xayirtay,
Hadaba waxa aan canbaaraynaya xayiraada ay xukuumadu ku xayirtay wargayska Hubaal waxa aan leeyahay waa in ay xukuumadu si dhakhso ah xayiraada uga qaado una soo celiso xoriyadiisa wargaysaka hubaal oo ay xukuumadu kadayso saxafada madaxa banan cabudhinta iyo caga julaynta tas oo ka hor imanaysa sharciga u yaal saxaafada oo ay sharciga hor keento cidii ku soo duushay wargayska Hubaal arinka maanta ay xukuumadu ku hayso saxaafada waxa uu u dhiganyahay ama uu ka dhiganyahay
(Hashu maankaygii gadee ma maansaar ayay liqday)
- Ø Waxayaabaha lagu yaqaano digtaa tooriyada
- Caga julayn iyo xadhig aan kala go,a lahayn
- Xukuumada aan hadal oglayn
- In aan waxaba laga sheegi Karin xukuumada
- Iyo xukuumada aan duqaadanin
Q/L :Khadar Jirde Axmed
Director Of Garsoor Social Development Organization 15/06/2o13