Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Djibouti oo maalintii labaad xidhan iyo Sababaha keenay

lawyacadoSaylac (SLpost)- Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, ayaa xidhan maalintii labaad kaddib markii ay soo baxeen warar iftiiminayo arrimo amaan-darro, iyadaa oo tallaabadani saamayn ku yeelatay Nolosha Shacbiga Somaliland ee Xeebaha Galbeedka iyo isu-socodka laba shacbi.

Go’aanka lagu xidhay Xuduudka oo ka yimi dhinaca dawladda Jabuuti, ayaa lagu sababeeyey kaddib markii laga war-helay warar sheegaya falal ammaanka dalka Jabuuti ka dhan oo kooxaha Xag-jirka ahi ku hawlan yihiin sidii ay uga fulin lahaayeen gudaha dalkaas.

Ma jiro war arrintan ku saabsan oo dhinaca Dawladda Jabuuti ka soo baxay, haseyeeshee Badhasaabka Gobolka Selal ee xiga dhinac xuduudka dalka Jabuut, Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa xaqiijiyey in xidhitaanka Xuduudka labada waddan la xidhiidho tuhunno laga qabo falal is-miidaamin ah oo kooxaha xag-jirka ahi ka geystaan dalka Jabuuti.

HALKAN KA DAAWO WARKA

Tallaabadan dawladda Jabuuti ku xidhatay xuduudkeeda, ayaa ku soo beegmay xilli uu Wasiirku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland socdaal ku joogo dalka Sucuudiga, in kasta oo badhasaabka Selal socdaalka wasiirka ku sheegay arrimo shakhsi oo u gaar ah.

Dalalka Jabuuti iyo Ethiopia ayaa sanadkii hore mar xidhay Xuduudaha ay la wadaagaan Somaliland, kaddib Qarax masuuliyaddiisa ay sheegatay kooxda Al-Shabaab oo laga fuliyey gudaha magaalada Jabuuti, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Haseyeeshee, dedaalo dublaasiyadeed oo xukuumaddu la samaysay labada waddan iyo shuruudo lagu xoojinayo ammaanka oo dhexmaray kaddib, waxa todobaad kaddib dib u bilaabmay isu-socodkii gaadiidka iyo shacabka.

somalilandpost.net