Xubno Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Cusbitaalka Guud Ku Booqday Dhalinyar Boolisku Dhaawaceen

Hargeysa, (SLpost)- Masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo uu hoggaaminayey xoghayaha Qorsheynta Xisbigaas Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), ayaa maanta Cisbitalka Weyn ee Hargeysa ku booqday qaar ka mid ah dhalinyartii dhaawacu ka soo gaadhay rasaas ay ciidamada boolisku ku rideen dhalinyaro dagaal ku dhex-maray Xaafada Daami ee Hargeysa, waxaanay sida oo kale ay qadar Lacag ah ay ugu deeqeen dhalinyartii dhaawaca u jiiftay Cisbitalka Weyn ee Hargeysa.qaw
Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani Inj.Cabdirashiid Riyo-raac oo ay booqashadan ku wehelinaayeen, xoghaye ku xigeenka arrimaha gudaha Daa’uud Xuseen Jaamac (Food-cadde), xoghayaha Dalxiiska Mubaarik Cabdi Xasan Buuni, Haldoor-Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, xoghaye ku xigeenka warfaafinta iyo Maxamed Muuse Tiyo, ayaa halkaasi kula kulmay dhalinyartii uu dhaawacu ka soo gaadhay rasaasta ay ciidamada Boolisku ku rideen.tz
Inj.Cabdirashiid Maxamuud Cali oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in rasaasta ay ciidamadu la dhaceen dhalinyarta isaga oo Illaahayna uga baryey dhalinyarta inuu siiyo caafimaad sareecan ah, waxaana uu sidoo kale uu u sheegay in uu ku wareejinayo qadar Lacag ah oo guddoomiye Ciro uu ugu soo dhiibay dhalinyartu in ay Afur ka dhigtaan.
Somalilandpost.net