Xubno ka tirsan guddiga Horumarinta iyo Salaadiinta Beesha Sacad Muuse oo Qaaddacay Go’aan shalay ka soo baxay qayb iyaga ka tirsan

Xubno ka tirsan guddiga Horumarinta iyo Salaadiinta Beesha Sacad Muuse oo Qaaddacay Go’aan shalay ka soo baxay qayb iyaga ka tirsanHARGEYSA (SLpost)- Xubno ka tirsan Guddiga horumarinta Beesha Sacad Muuse, ayaa sheegay inaanay sharci ahaan iyo shaqo ahaan toona ulahayn ka hadalka iyo dhex-galka arrimo siyaasadeed maaddaama oo ay Guddi horumarineed yihiin, isla markaana waxay sheegeen inaanay waxba ka jirin Go’aan ay Xubno ka mid ah Guddigaasi Salaasadii soo saareen, kaas oo ay ku sheegeen inay ku kala saareen Musharrixiinta Beesha ee u taagan jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbiga KULMIYE dhammaysiga Siilaanyo ka dib, kuwaasoo kala ah Guddoomiyaha KULMIYE oo dhinac ah iyo Wasiirrada Maaliyadda iyo arrimaha dibedda oo dhinac ah.

Waxa ay Xubnahan oo maanta Shir Jaraa’id u qabtay Huteel Safari ee magaalada Hargeysa ku doodeen inay iyagu dibedda uga baxeen oo ay ka dareereen Shir ay Salaasadii isugu yimaaddeen Guddiga Horumarinta Beeshu, ka dib markii Xubno Guddiga ah oo ay ku eedeeyeen in Dhabarka laga soo taabtay isku khilaafeen go’aanka siyaasadeed ee ay markii dambe soo saareen, iyagoo sheegay in geesta dhibaatada iyo dhabar-taabashadu ka timi ahayn dhinaca labada Wasiir ee arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis iyo Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, balse ay tahay geesta Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale, Xubno ka tirsan Salaaddiinta Beeshaas, ayaa ku gacan saydhay Go’aan dorraad ka soo baxay qayb ka mid ah Guddida oo lagu sheegay in Musharaxa Beesha ee Xisbiga Kulmiye Siilaanyo dabadeed loo doortay Muuse Biixi.

HALKAN KA DAAWO