Xubnaha Golaha dhexe Kulmiye ma u hiilinayaan hiigsiga Xisbigooda?

KulmiyeHaddii la yahay taageere xisbiga Kulmiye iyo haddii aan la aheynba qabashada Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye oo loo mudeeyay 10ka Nofember 2015 ayaa ah kulan ay aad u wada danaynayaan dadka reer Somaliland mid dalka ku sugan iyo mid qurbaha joogaba. Waa shir la wada dhowrayo habka iyo hannaanka loo qaban doono iyo weliba maxsuulka ka soo bixi doona. Waa Shir leh muhimadiisa maadaama lagu magacaabayo musharaxa Xisbiga Kulmiye ee doorashada Madaxweynanimo oo qabashadeeda loo mudeeyay horraanta sannadka 2017ka. Waa hubaal in natiijooyinka ka soo baxaya shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye ay saameyn ku yeelanayaan Qaranka Somaliland guud ahaan, maadaama uu yahay Xisbiga hadda hoggaaminaya dalka. Qormadan waxaan ku eegayaa fursdaha xisbiga Kulmiye anigoo ereyo dardaaran ahna u soo jeedinaya musharixiinta iyo xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga.

Fursadaha Xisbiga Kulmiye

Xisbiga Kulmiye waa inaanu hilmaamin fursada balaadhan ee maanta hortaala. Waa Xisbiga gadhwadeen ka ah Qaranka Somaliland isla markaana ay ka soo jeedaan Xukuumadda maanta dalka ka talisa. Wax badan ayaa maanta gacanta ugu jira, waxaana garbahooda saaran mas’uuliyad balaadhan. Waa inay fiiro gaar ah u yeeshaan sidii aan loo dayici laheyn fursadaha gaarka ah ee horyaala, loona yareyn lahaa khilaafaadka had iyo goor ka dhasha qabashooyinka shirarka noocan oo kale ah iyo weliba kala saarida musharixiinta.

Waxa soo if-baxaya dhawaqyo ku wajahan in aan lagu niyad sameyn qabashada Shirka ee ay mudeeyeen Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud oo uu wehelinayo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi. Dhawaqyadaasi waa kuwo ay cadawga Somaliland ka faa’idaysan karaan. Somaliland waxay ku taallaa mandaqad aanay diimuqraadiyaddu weli sal dhiganin. Shirka oo wakhtigiisa lagu qabtaa Kulmiye iyo wadankeenaba waxay u noqonaysaa guul iyo sharaf. Waxay xoojineysaa isku duubnida iyo kalsoonida lagu qabo Xisbiga Kulmiye iyo nidaamka ah inaynu doorano cidda ina hogaaminaysa. Sidaa daraadeed baa loogu baahan yahay in xubnaha Xisbigu dhamaan si mug leh uga qayb qaataan hawsha hor taala iyagoo sumcadooda, ta xisbiga iyo to qarankaba tix gelinaya.

Musharixiinta Xisbiga Kulmiye

Ugu horreyn waxa mahuraan ah in musharixiinta Xisbiga aanay u muuqan oo keliya sidii ay ugu guuleysan lahaayeen kaalinta musharaxnimo ee Xisbiga Kulmiye. Tartanka aad ku jirtaan waa mid loo baahanyahay isla markaana u adeegaya waxyaabaha aynu higsanayno ee kow ay ka tahay inaynu dhisno bulsho caafimaad qabta oo soo saarta jiil firfircoon oo wax la qaybsada bulshada caalamka.

Si aad ugu hiiliso higsiga iyo kaalinta Xisbiga Kulmiye ha dayicin mas’uuliyada sida gaarka ah kuu saaran. Waxa shuruud ah oo welib waajib ah in musharax kastaa uu ixtiraamo xeerarka iyo Dastuurka u yaala Xisbiga Kulmiye. Arrinku waa in aanu noqon sideyda iyo sidaa ayay ila tahay ee waxa faran si loo xakameeyo khilaaf aan loo baahneyn in loo hoggaansamo wixii hore loogu heshiiyay ee ku sugan xeerarka Xisbiga. Arrinku waa in aanu kaa noqon malaha sidan ayay inoogu badisaa ee Musharixiinta waxa ku waajib ah inay la yimaadaan hufnaanta looga baahanyahay isla markaana ay dhexdooda is qadariyaan, ixtiraamna u muujiyaan dhammaan xubnaha Xisbiga Kulmiye iyo guud ahaan ummada reer Somaliland ee danaynaysa hanaqaadka Axsaabteena siyaasadeed.

Waxa hubaal ah in aan marnaba la gaadhi Karin doorasho ku dhacda qaab xor iyo xalaal ah haddii idinka laftiinu aydaan la iman mas’uuliyadda idin saaran isla markaana aan la loo hoggaansamin ama aan la ixtiraamin qawaaniinta iyo shuruucda idiin taala.

Codeeyayaasha Xubnaha Golaha Dhexe

Haddii aad tihiin xubnihii Golaha dhexe kaalin muhiim ah ayaad Xisbiga ugu jirtaan. Waxaad tihiin tiir dhexaadka Xisbiga oo doorka aad ku leedihiin Xisbiga Kulmiye waa mid xoogan oo aanay cidna mooganayn. Si gaara ayay mas’uuliyad balaadhan idiin saarantahay haddii ay tahay habsami socodka shirka, qaabeynta Xisbiga kulmiye haddii ay tahay xeerarka uu ku shaqeynayo iyo weliba doorashada Musharaxa Xisbiga. Inaad shirka ku wadaan jawi degan oo saxar la’aana waa mid la idiinka fadhiyo. Waa idinku waajib inaad ilaalisaan isku duubnida iyo wadashaqeynta Golaha haddii ay tahay qadarinta hoggaankiina Xisbiga iyo is-ixtiraamida Xubnihiina Golaha dhexe si kasta loo kala fikrado duwanyahay.

Marka laga yimaado qaybaha kale ee ajandaha shirkiina waxa aan wada ognahay inaad u codeyneysaan qofkii beri waddankan Madaxweyne ka noqon lahaa. Waa mahuraan, waana wax Ilaahay idinkala xisaabtamayo inaad codkiina siisaan musharaxa ku habboon ee aad is leedihiin wuu ka soo baxayaa mas’uuliyadaa. Shakhsi ahaan qofka aan isleeyahay wuu hanan karaa mas’uuliyadaa waxa aan ku xidhi lahaa inuu leeyahay astaamaha soo socda:

  • Inuu leeyahay yahay awood wax-qabad, mas’uuliyad iyo qof leh astaamaha anshax iyo akhlaaq hufan isla markaana ku sifoobey ammaano.
  • Inuu yahay qof xog-xogaal u ah dalka iyo dadka reer Somaliland, isla markaana qayb ka ahaa sooyaalka iyo taariikhda uu waddankani soo maray.
  • Inuu leeyahay go’aan qaadasho isla markaana si fiican u cabiri kara rayigiisa.
  • Inuu yahay qof geesiya oo la isku haleyn karo haddii ay waddanka la soo darsaan duruufo adag. Ilaalinta amniga wadanku waxay u baahan tahay hal adaygnimo iyo go’aan qaadasho.
  • Inuu yahay qof si fiican u yaqaana qaybaha bulshadiisa isla markaana qancin kara waxna ka qaban kara haddii ay arrimo ku lug leh deegaanada Somaliland la soo darsaan.
  • Waa inuu yahay qof leh aragti iyo ujeeddooyin ku qotoma xeel-dheeri isla markaana ka saadaalin kara wixii caqabado ama durfuufo ah ee waddanka ka hor imanaya xaga amniga, isku haynta bulshooyinka Somaliland.
  • Waa inuu yahay qof u furfuran fikradaha dadka kale isla markaana la shaqeyn kara dadka kale dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan.
  • Waa inuu yahay qof xambaarsan waayo aragnimo buuxa oo la xidhiidha waayaha uu waddankani soo maray.

Waxa dardaaran ah in aan la hoojin higsiga Xisbiga Kulmiye iyo inuu shirku ku dhammaado guul iyo gobanimo. Taas baynu dhamaanteen u baahan nahay.

 

Eng. Hassan Omar (Samadoon)

xusbiyahan@gmail.com