Xubin ka Tirsan FIFA oo Maxkamad la Soo Taagay

 

 

Qaban qaabiyihii ciyaarihii koobka adduunka ee Brazil lagu qabtay 2014kii, ayaa diiday inuu musuqmaasuq ku lug yeeshay uuna qaatay malaayiin dollar oo laaluush ah.

Jose Maria Marin ayaa la hor geeyay maxkamad federal ah oo ku taalla New York kaddib markii maamulka Switzerland ay wareejiyeen.

Bishii May ee sanadkan ayaa halkaasi lagu xiray asiga iyo todobo xubin oo kale oo ka tirsan FIFA.

Haddii lagu helo dembiga ah inuu laaluush ka qaatay Shirkadaha xayeysiiya ciyaaraha oo lala xiriirinayo tartamada Copa America iyo Copa Do Brazil, Mr Marin waxa uu wajahayaa 20 sano oo xabsi ah.

Dhanka kale, madixii hore ee xiriirka kubadda cagta ee Jarmalka, Theo
Zwanziger, waxa uu sheegay inuusan ka baqeynin baaritaan boolis, waxaana looga shakiyay inuusan bixinin canshuurta abaalmarin la siiyay koobkii dunida ee 2006.

Xilli sii horeysay, booliska Jarmalka waxa ay tageen gurigiisa iyo guriga madixii hore, Wolfgang Niersbach iyo xarunta xiriirka.