“Xornimo ayaanu ku dhalanay, annagoo xor ahna waanu jiraynaa” – Somaliland oo u jawaabtay Shiinaha

Taipei (SLpost)- Dowladda Somaliland, ayaa sheegtay inaanay dowladda Shiinuhu u yeedhin Karin isla markaana hor-istaagi Cilaaqaadka ay la yeelanayso waddamada Caalamka maadaama oo Somaliland tahay waddan madax-bannaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd oo ay weheliyaan Wasiirrada Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Qorsheynta Qaranka Cumar Maxamuud iyo Xannaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed, ayaa shir-jaraa’id oo ay maanta wada-jir ugu qabteen caasimadda dalka Taiwan ee Taipei kaga jawaabay hadal ka soo yeedhay dowladda Shiinaha oo cambaareysay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr essa Kayd
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Essa Kayd (Photo: Reuters)

Shiinaha ayaa sheegata inay Taiwan qayb ka tahay dhulweynaha Shiinaha, waxaanu khilaafkooda siyaasadeed sii xoogaystay kaddib markii xidhiidh dublomaasiyeed dhexmaray Somaliland iyo Taiwan oo sannadkii 2020 xafiisyo wakiil ka ah danaha labada waddan ka kala furtay magaalooyinka Hargeysa iyo Taipei.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa Taiwan ku eedaysay inay ku xad-gudbayso wax ay ku tilmaantay ‘madax-banaanida dalalka’ kaddib markii xukuumadda Taipei marti-qaad u fidiyey weftiga Wasiirrada Somaliland oo Salaasadii gaadhay Dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo xubnaha golaha Wasiirrada ee Socdaalka ku weheliya oo Jimcaha maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Taipei, ayaa ka jawaabay hadalka ka soo yeedhay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha.

“Waxaanu dhalannay annagoo xor ah, waxaanan jiraynaa annagoo xor ah. Sida aanu doono ayaanu arrimahayaga u maamulanaynaa, Shiinuhu waxba nooma yeedhin karo, waddan kalena wax nooma yeedhin karo,” sidaas waxa yidhi wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, waxaanu intaas ku daray inay cilaaqaad la samaynayaan cid kasta oo tix-gelinaysa madax-bannaanida iyo dowladnimada Somaliland islamarkaana doonaysa inay la samayso xidhiidh ganacsi iyo mid dublomaasiyeed oo bilaa shuruud ah.

“Waxaan u malaynaa in taasi ku filan tahay Shiinaha,” sidaas ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Ciise Keyd.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Essa Keyd, Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorsheynta Cumar Cabdilaahi iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed oo Shir-jaraa'id ku qabtay Taipei, Taiwan
BIDIX: Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Essa Keyd, Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed iyo Wasiirka Qorsheynta Cumar Cabdilaahi oo Shir-jaraa’id ku qabtay Taipei, Taiwan

Dhinaca kale, wasiirka Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa dhankiisa sheegay inaanay jirin wax Deyn ah oo Somaliland weydiisatay Taiwan, balse ay jiraan siyaabo kale oo taageerada dhaqaale ee dalkaasi ku soo gaadho Somaliland.

“Waxa jira Dhaqaale ka yimaadda Taiwan oo Somaliland u soo gaadha qaab mucaawimo ah iyo mid maalgashiba, waanan soo dhawaynaynaa,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa Arbacadii kulan la yeeshay madaxweynaha Taiwan, Mrs Tsai Ing-wen oo qasriga madaxtooyada ku qaabishay, waxaanu wasiirku madaxweynaha u soo bandhigay fursadaha maalgeshi ee ka jira Somaliland oo uu ka dalbaday inay maalgeshadaan dowladda Taiwan iyo shirkadaha dalkaasinba.

Weftiga Wasiirrada oo noqonaya kii ugu miisaanka cuslaa ee Somaliland u dirto Taiwan, ayaa la filayaa inay Sabtida Berri soo gunaanadaan socdaalka shaqo ee ay ku joogaan dalka Taiwan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net