Xoogga Dhalinyarada iyo waayo aragnimada Odayaashu Waa Lamaane is Haga – W/Q: Axmed Cali Kaahin

handsWaxa aad moodaa in calanka dhalinyaradu uu aad u ba’banaayo, dabaysha dhacaysaana u xoogan tahay waa doorkii dhalinyarada. hadaba hadii doorkii dhalinyarada ay tahay goormuu noqonayaa doorkii Duqaydu mise wuu dhamaadayba, waxa cad oo aa’an la dafiri karin awooda iyo xooga ay dhalintu leedahay hore iyo dambaysaba dalkan, sida

  • Gobanimadookii dalka
  • Dib u xorayntii dalka
  • Dib u dhiskii dalka

Dhamaan marxaladihii dalkani soo maray waxay dhalintu ahayd laf dhabarta uu ka dhaqaaqo iyo halka uu miciinsado dalku, hadaba waxa maanta taagan in doorashadii Golaha Degaanka loo to’shay .shaadhadh u badan dhalin yaro. waxaase aad moodaa in indhaha laga la’liyay (Odayaashii) oo aan in badan cidiba soo qaadayn marka ay timaado sheekada golaha Deegaanku, taasi oo su’aal galin karta kartida dhalin khaasi gole ay ku kulmaan sida uu u eekaan karo, maadaama aynaan hore u arag gole dhalin khaasa ah,  golayaasha aduunkana waxaa qurxiya isku jirka Jiilal kala duwan, si talooyin toosan bulshadu u hesho, maadaama ay matalaan dhamaan umada,Waxana hubaal ah, oo aan laga maarmi karin labad gacmood ee duqayda iyo dhalinta waayo (GACMO WADA JIR AYAY WAX KU QABTAAN)

Wax qabadka odayaasha waxaa inagaga filan kaalintii ay guurtidu kasoo ciyaartay dajintii dalka iyo dib u heshiisiintii umada, iyo wax kasta oo uu siyaasi bii’yay oo ay iyaga Ilaahay waafajiyay in ay toosiyaan markaad dib u eegto shirarkii taariikhda galay ee ay kasoo Oday’yeeyen, markaa waxaan odhan karaa SOMALILAND CAQLI ODAYAAL AYAA LAGU DHISAYE OO UU KU LAMAAN YAHAY XOOGA DHALINTU, waana in aynu ka dheeraana in aynu wax gaf ah ku leexino xagooda maadaama ay door wayn soo ciyaareen.

Waxa cad in khibrada iyo waayo aragnimada odayaasha iyo firfircoonida dhalinta oo is huwan aan marna laga maarmi doonin wakhtiga fog iyo ka dhawba.

Wabilaahi Tawfiiq

Qalinkii : Ahmed Ali Kahin

ahmedckahin@gmail.com