Xogo ku saabsan Qaxoonti reer Afghanistan ah oo Maraykanka iyo UAE u soo daad-gurayn Rabaan Somaliland

QAXOONTIGA AFGHANISTAN

Somaliland ayaa la sheegay inay aqbashay in si ku meel gaadh ah dhulkeeda u dejiso dhawr kun oo lagu sheegay in ay yihiin qoxooti reer Afghanistan ah, kuwaas oo dowlada Maraykanku kasoo daad guraysay dalka Afghanistan kaddib markii kooxda Daalibaan la wareegtay maamulka dalkaas.

Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganayssa Sarkaal ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa faafisay in in xukuumada Somaliland ay wada hadalo kula jirto dowladda Maraykanka sidi qayb kamid ah qoxootiga reer Afghanistan si ku meel gaadh ah loo dajin lahaa Somaliland.

QAXOONTIGA AFGHANISTAN

“Waanu aqbalay in aanu qoxootiga reer Afghanistan u marti geLino si ku meel gaadh ah,” ayuu yidhi. Waxa kale oo uu sheegay in wali heshiisku aanu dhamaystirnayn, isla markaana loo baahan yahay in la dhamaystiro adeegyada asaasiga ah, wallow uu tibaaxay in anay weli ka heshiin wakhtiga uu qoxootigu imanyo Somaliland.

Dowladda Maraykanka ayaa raadinaysa goobo ay si kumeel gaadh ah u dajiso, qoxootiga reer Afghanistan ee ka cararaya xukunka Taliban, kuwaasi oo dowlada Maraykanku kasoo daad guraynayso madaarka Kabul. Waxa kale oo Maraykanku wada hadalo kula jiraa dalka Uganda oo uu doonayo in uu dajiyo qoxooti gaadhaya 2000, isagoo dhinaca kale dalka Imaaraadka u wakiishay in ay dalka Somaliland u gudbiyaan qoxootigaa oo ah dadka tirada yare e Kiristanka ah, kuwaas oo ka cararaya xukunka shareecada ee Daalibaan kusoo rogay dalka.

Imaaraadka Carabta ayaa si ku meel gaadh ah u martigelin doonta 5,000 oo muwaaddiniin reer Afgaanistaan ah oo laga daadgureeyay dalkaas ka dib markii ay qabsadeen magaalada Kabul dhaqdhaqaaqii Islaamiyiinta Daalibaan, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta.

“Imaaraadka Carabta ayaa oggolaaday inay martigeliso 5000 oo qof oo Afgaanistaan ah oo laga soo daadgureeyay Afghanistan iyagoo ku sii jeeda waddan saddexaad oo ay usii gudbin doonaan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka ayaa ku dhawaaqday in, ka dib codsi ka yimid Maraykanka, ay si ku meel gaadh ah u martigelin doona dadka reer Afghanistan, waqtigaas ka dib waxay u sii gudbi doonaan dal kale, ”ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay Jimcihii. Sida ay baahisay Livemint.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in dadka la soo daadgureeyay ay maalmaha soo socda imaaraadka ku iman doonaan diyaarado Maraykan ah.Daalibaan ayaa Kabul soo gashay 15-kii August iyagoo soo afjaray dowladdii Maraykanka taageersanaa.

Madaxweynihii Afgaanistaan ee Caalamka laga aqoonsanaa Ashraf Ghani ayaa is casilay wuxuuna ka tagay dalka isagoo usoo duulay dhanka Imaaraadka. Qabsashada awoodda ayaa ku qasabtay kumanaan reer Afgaanistaan ah inay ka baxsadaan waddanka iyagoo ka baqaya aargoosi uga yimaada Daalibaan, maadaama ay yihiin kuwo taageero siinayeen xulufada Maraykanka ee kusoo duushay Afganistaan.

Cabsida qabsashada Daalibanka, ayaa sababtay dowladaha qaarkood soo jeediyeen qorshayaal lagu badbaadinayo inta ugu badan ee reer Afghanistan ee halista ugu jira in Daalibaan ku qaadaan denbiyo. Jarmalka, oo wacad ku maray inuu daad -gurAyn doono ilaa 10,000, halka Boqortooyada Midowday (UK) oo la kaashanay la -hawlgalayaasha bulshada rayidka ah si loo go’aamiyo cidda u baahan badbaadinta iyo sida loo heli karo loona daad -gureyn karo kumanaan reer afganistaan ah oo haytsa diinta Kiristanka iyo kuwo la shaqaynayay hay’addaha sirdoonka iyo kuwa gargaarka.

Dhinaca kale, Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Wararka ee Araweelo News Network, saraakiil ka tirsan dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Sabtidii soo gaadhay Hargeysa si ay wadahadallo ula yeeshaan dawladda Somaliland oo ku saabsan daad -gureynta qaxootiga Afgaanistaan. laakiin ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland. Daalibaan ayaa Kabul soo gashay 15-kii Ogosto, iyagoo soo afjaray weerar toddobaadyo qaatay oo sababay burburkii dawladdii uu Maraykanku taageerayay iyo duulaankii 2001 ee Maraykanka iyo xulufadiisa.

. Hindiya ayaa ku dhawaaqday dhankeeda todobaadkii hore inay mudnaan siinayso daadgureynta Hindus iyo Sikhs, oo ah dadka haysta laba diimood oo ah kuwa laga tiro badan yahay kuwaas oo durbadiiba qarka u saarnaa inay ku baaba’aan Afgaanistaan sababta oo ah Daalibaan oo dalka kusoo celisay xukunkii Shareecada Islaamka 20 sano kaddib.

Sidoo kale, dalka Kenada ayaa rabitaankeeda ah inay fiisooyinka siiso dadka laga tirada badan yahay ee diintooda loo malaynayo inay Hanjabaad u yihiin Daalibaan marka xukun Shareecada lagu soo rogo dalka, kuwaas oo ay ku jiraan Masiixiyiinta. Laakiin bulshada Masiixiyiinta ah ayaa aad ugu sii adkaanaysa inay sii wadaan joogitaanka dalkooda, iyadoo qaar ka mid ah wadaada Kaniisadaha ku baaqayaan in aannay dalka ka bixin. Laakiin maaha farriintaasi mid ay isku halayn karaan. Sidaa darteed waa lagama maarmaan in laga saaro dalka waqtigan oo la helo dalal kale oo ay ku badbaadayaan.

Dalka Afganistan ee Koonfurta Asia waxa lzgu qiyaasaa 38.04 million, waa jamhuuriyad Islaami ah, oo ay muwaadiniinta badankoodu haystaan diinta Islaamka 90% waa Islaamka Sunniga, waxay u dhexeeyaan qiyaastii 84.7 – 89.7% dadweynaha afganistan, iyo Shiicada Muslimiinta ah oo u dhexeeya 10 – 15%. Balse waxa jiri kuwo haysta Hindus, Sikhs, Baha’is, iyo Masiixiyiin, kuwaas ka yar boqolkiiba 0.3 dadka, halka ay labaatan sannadood ka hor ahaayeen 0.3%.

Hase yeeshe, tan iyo dhicitaankii Daalibaan ee 2001, bulshada Masiixiyiinta ah kaliya ma korin, waxay noqotay mid dhiirran, qayb ahaan sababta oo ah qaabka amniga ee joogitaanka Maraykanka ee dhulka. Sanadkii 2019, markii tirada carruurta u dhalatay kuwa soo laabanaya ay sii kordhaysay, daraasiin Masiixiyiin reer Afgaanistaan ah ayaa go’aansaday inay muujiyaan ku -xirnaantooda diimeed kaadhadhka aqoonsiga qaran si jiilalka soo socda aanay u qarin caqiidadooda, waxayna qaar ka mid ah kuwa Muslinka ahaa ka laabteen diintooda, kuwaas oo taageero ka helayay joogitaanka Maraykanka iyo xulufadiisa ee dalkaa.

Warbixinihii u danbeeyay oo ay Shirkad warbaahineed oo magaceedu yahay The Hill oo fadhigeedu yahay Washington, DC, isla markaana u waranta dadka cadaanka ah ee Maraykanka oo baahisa wararka siyaasada ay daabacday ayaa muujinaya cabsida soo waajahday dadkaa xilligan iyo sida ay dalalka reer galbeedku u doonayaan in ay dalal kale u daad-gureeyaan, kuwaas oo ay weheliyaan shaqaale la shaqaynayay ciidamadda kala duwan, hay’addaha gargaarka iyo kuwa mukhaabaraaadka ee ku sugnaa dalka Afganistaan labaatankii sanadood ee u danbeeyay, balse xilligan waxa khasab noqotay in ya ka cararaan xukunka shareecadda Islaamka ee lagu soo rogay dalka, waxayna 30 ka mid ah oo qaatay diinta Masiixiyiinta sameeyeen maalmo ka hor isbeddelka intii aannay Daalibaan la wareegin dalka toddobaadkan.

Cabsida dadka laga tirada badanyahay ee ka baxay diinta Islaamka iyo kuwa haystay diimaha kale ee xilligan waxa sii xoojiyay Daalibaan la sheegay inay durba ka shaqeyneyso sidii ay u baadi-goobi lahayd Masiixiyiinta la yaqaan ee ku jira liiskeeda, qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha kaniisadaha maxalliga ah ayaa kula taliyanaya bulshooyinkooda inay ku sugnaadaan guryahooda, in kasta oo ay sida ugu wanaagsan ee rajada muddada-dheer kaliya u arkaan in ay tahay in si uun looga cararo waddanka . Masiixiyiin kale ayaa la sheegay inay u baxsanayaan buuraha iyagoo isku dayaya inay nabad helaan, balse daalibaan ayaa sidoo kale dilaya qof kasta oo lagu helo barnaamijka Kitaabka Quduuska ah oo lagu rakibay taleefannadooda gacanta, taas oo qayb ka ah faafitaanka Kiristaanimada ee laga waday dalkaa sanandihii u danbeeyay.

“Waan ognahay meesha aad joogto iyo waxaad samaynayso.” Waa farriimaha ay helayaan kuwa ay raadinayaan daaliban, Iyadoo raacdada Daalibaan tahay awoodda aan si fududu looga baxsankarin, sidaa awgeed Masiixiyiinta ayaa damiya taleefannadooda si ay uga fogaadaan dabagalka waxayna bilaabeen inay u guuraan goobo aan la shaacin, halka kuwo kalena doonayaan in dalka laga daad-gureeyo, balse waxa jira cabsi kale oo dadkaa haysta, kuwaas oo lagu qiyaasay in 20-30 boqolkiiba oo kaliya bulshada Masiixiyiinta ah ee la yaqaan ay haystaan baasabooro. Sidaa awgeed Baasaboor la’aan, xilligan ma cadda in waddan shisheeye uu aqbali doono, haddii ay awoodaan inay ka baxaan dalka

Dhowr mas’uul oo ka tirsan dowladda Yurub ayaa hadda ka wada hadlaya suurtagalnimada in la iska indho -tiro shuruudaha dukumeentiga socdaalka ee shakhsiyaadka ay xaqiijin karaan hay’addaha iyo heerka nuglaanshahooda kooxaha bulshada rayidka ah. Laakiin ilaa dalalku xaqiijiyaan oo ku dhawaaqaan inay diyaar u yihiin inay ka tanaasulaan baasaaboorka iyo shuruudaha fiisaha, Balse waxa jirta cabsi kale oo kasoo baxday arrintan, maadaama ay Masiixiyiin badan oo reer Afgaanistaan ah ayaan doonayn inay halis geliyaan safarka halista badan ee maraya baraha kontorool ee Daalibaan ay soo gaadhaan Madaarka Kabul, iyadoo in yar oo haysta baasaboorka oo dadka Masiixiyiinta ah ee soo gaadhay garoonka diyaaradaha aanay weli awoodin inay dalka ka baxaan.

Si kastaba ha ahaatee dadkaa qoxootiga ah ee la doonayo in lagu soo daabulo Somaliland ayaan si dhab ah loo ogayn ujeeddada loo keenayo iyo qorshaha fog ee laga leeyahay, kuwaas oo bulshadu su’aalo iska weydiinayso, balse xukuumadda Somaliland ayaan si cad weli u shaacin in ay aqbashay, wallow ay xoggaha ay shebekaddaha Araweelo News Network helaysaa sheegayaan in dhawr kun oo ah dadkaa lagu qanciyay xukuumadda Somaliland in qoxooti ahaan loo keeno dalkeeda, taas oo dawladda Imaaaraadku dhaqaale aan si dhab ah loo shaacin, balse qiyaasti dhawr milyan oo dollar ku bixinay.

Hase yeeshee, waxa durba arrintaa ka dhashay dareen ay dadku su’aalo iskaga weydiinayaan, iyadoo ay arrintani xusuusta taariikhda dib u celisay ku dhowaad sideetan sannadood ka hor dagaalkii labaad ee Aduunka oo Somaliland mustacmarad u ahayd Boqortooyadii Britain isku dayday in ay Markab siday Yuhuud qoxooti ah oo la doonayay dhul la dejjyo kasoo dejiso Somaliland si ay ugu noollaadaan, taas oo waxgaardkii iyo Odayaashii cabqliga badnaa diideen, sidaana lau joojiyay oo qaarkood loo gudbiyay dhinaca dalka Uganda.

Sidoo kale, waxa ay dad badan xusuusan yihiin qaabkii ay Yuhuudu ula wareegtay dhulka Falastiin iyo sidii ay dawladda Britain ugu soo celisay, taas oo ugu danbayntii sababtay in ay faalstiin noqoto qoxooti, sidaana Yuhuudu kula wareegto dhulka, sidaa awgeed waxa ka taagan mawduucan sababta dalalka waaweyn ee Maraykanka iyo kuwa kale ee Yurub oo sanad walba qaabila kumanaan qoxooti weliba u badan Afrika Asia Somaliland ugu soo waaridayaan dadka ay ku sheegeen qoxooti, kuwaas oo aannay bulshada Somaliland wadaagin dhaqan iyo diin, isla markaana aan la ogayn ujeedada dhabta ah ee ka danbaysa, dhammaan doodaha la xidhiidha arrimahaa ayaa jawaabtooda laga sugayaa xukuumadda haddii ay sheekada kusoo qaadato tuurta, waxayna wax badan kala cadaanayaan maalamaha soo socda halka ay kusoo afjaranto sheekada qoxootiga aan ujeedadiisa la fahmin ee la doonayo in lagu soo waarido geriyaga Somaliland.

XIGASHO: ARAWEELO NEWS