Xogo hor leh oo Iftiiminaya Halka ay ku dambeeyeen Dhalinyaro Soomaali ah oo tabobar Ciidan loogu qaaday Eritrea

 

Hargeysa (SLpost)- Barnaamijka Galka Baadhista ee Idaacadda VOA qaybteeda Soomaaliyga, ayaa lagu soo bandhigay xogo dheeraad ah oo la xidhiidha Dhalinyaro Soomaali oo dowladda Soomaaliya tabobar ciidan ugu qaadday dalka Eritrea, kuwaas oo hadal hayn iyo dood badan ka dhex abuuray bulshada Soomaalida.

Intii uu socday dagaalkii dowladda Federaalka Ethiopia kula jirtay jabhadda TPLF ee gobolka Tigray, waxa soo baxay warar sheegaya in dhalinyaradaas Soomaalida ah la geeyey gobolka Tigray si ay ula dagaalamaan Jabadda TPLF, iyagoo metelayey dowladda Soomaaliya oo caawinaysa Ethiopia.

Haddaba, Barnaamijka Galka Baadhista ee VOA, waxa lagu soo bandhigay xogo faahfaahsan oo la xidhiidha dhalinyaradaas oo markii hore loo sheegay la geynayo dalka Qatar, waxaana lagu waraystay saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaalida iyo waalidiinta dhalinyarada tabobarka ciidan loo qaaday.

Halkan hoose ka dhegayso Barnaamijkan oo uu daadinayo wariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan laanfa Afka Soomaaliga ee VOA.