Xogo cusub oo ka soo baxaya isku shaandhaynta la saadaalinayo ee Xukuumada Siilaanyo

Hargeysa, (SLpost)-Warar ku sahabsan isku shaandheynta Madaxweynaha Somaliland soo wado,oo laga soo xigtay ilo wareedyo aad ugu dhaw dhaw madaxtooyada ,islla markaana aad looga hadal hayo   magaalooyinka  Gabiley,Tog-wajaale iyo Hargeysa,ayaa sheegaya in Aqoon yahan sare , oo ka soo jeeda magaalada Tog-wajaale loo magacaabi doono xil Wasiirnimo.

Aqoon yahankan oo sida ila wareedyadaasi sheegayaan, qayb libaax ka soo qaatay guushii Xisbiga Kulmiye ka soo hooyay Doorashadii Madaxweyne nimadaee 2010 , kana danbeeyey Istraajiyadii isku xidhka Taageerayaasha Gudaha iyo Dibadda ee dhinaca Mediyaha,soona bandhigi jiray qoraallo aad u naafeeyey Xukuumadii Riyaale ee waqtigii Doorashooyinka.

Sida dad aad u yaqaanna sheegayaan,Aqoon yahankan waxaa lagu magacaabaa Eng. Maxamed Cali Muse , waxaanu ka mid ahaa ardaydii dhagax tuurka ee 1982 Hargeysa ka dhacay, ee ay  kala hor tageen xukumadii Siyaad Barre.
Waxaa kale oo wararkaasi sheegayaan, inuu muwaadinkani yahay shaqsi aad u fir fircoon , aadna u caawiya agoontii ay ka tageen Mujaahidintii SNM, dalka iyo dadkana wax badan u qabtay.

Magaaalda Tog-wajaale  oo ahayd magaaladii Xisbiga Kulmiye uu codkii ugu badnaa uu  ka helay,ayaa arrintani si weyn u soo dhaweeyey ,una  dhago taagaya,waxaanay rajaynayaan inuu Madaxweyne Siilaanyo fulin doono wax badan oo u ballan qaaday
dadka degaankan iyo horumarinta Magaalada Tog-wajaalaba , oo ah halbowlha Dhaqaalaha ee Somaliland iyo Seyladda  ugu weyn ee labada Dal ee Ethiobiya iyo Somaliland

Cali Aadan

Suxufi madax bannaan