Xoghayaha Wakiillada Iyo Shaqaalaha Golahaas Oo Beeniyay War Uu Qorey Wargeyska Afka Xukuumadda Ku Hadla Ee Dawan

Hargeysa, (SLpost)- Xoghayaha guud ee golaha wakiilada somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay weheliyaan qaar ka mid ah shaqaalaha golaha wakiilada somaliland ayaa beeniyey warar laga baahiyey xoghaynta iyo hogaanka golahaasi.

Xoghayaha golaha wakiilada iyo shaqalaahan wehelinayey ayaa waxba kama jiraan ku sheegay warar la xidhiidha in gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland iyo xoghayaha golahaasi ay  shaqaalaha ka hawl gala golaha wakiilada ka cuneen lacagtii xaqul ciidka ahayd ee loogu tala galay.

Shir jaraa,id oo ay ku qabteen xarunta golaha wakiilada ayaa ay ku sheegee inaanu warkaasi jirin waxaanu yidhi xoghaye Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ugu horayn shirkaas ka hadlay “Waxaanu halkan u fadhinaa inaanu ka jawaabno war ay baahisay jariirada qaranka ee Dawan  taas oo caadaysatay inay mar walba wax ka
sheegto golaha wakiilada, waxaanay sheegtay in gudoomiyaha golaha wakiilada iyo xoghayaha golahaasi ay shaqaalaha ka cuneen xaqul ciidkii la siin jiray shaqaalaha golaha wakiilada, waxaanan halkan idinka cadaynaynaa miisaaniyada golaha.”

Xoghayaha golaha wakiilada oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Golaha wakiiladu waxa uu soo saarayaa jariirad la yidhaa xogsidaha golaha wakiilada, sadexdii biloodba mar ayey soo baxaysaa wiigana way soo baxaysaa waxaanay ka hadlaysaa wax qabadka golaha iyo dadka la baro dawladnimada, xafiiska maamulka ee goluhu waxa uu soo saaray hadal qoraalka doodii 2005-2015 ay ku hadleen xildhibaanada golaha wakiiladu.”

Sidoo kale Agaasimaha maamulka ee golaha wakiilada  Cabdi Ismaaciil Xawaadle   oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu ka waramay miisaaniyada golaha iyo sida looisticmaalo waxaanu yidhi “waxaan ka jawaabayaa wixii maamulka khuseeya ee arinta la xidhiidha, golaha wakiiladu waxa uu ku dhaqmaa miisaaniyadiisa sida ay wasaaraduhu ugu dhaqmaan, miisaaniyaduna waxay leedahay madax iyo madax xigeen, mushaharka,shiidaalka, ilaa wixii gunooyin ah waxay ku qoran yihiin  oo sanadka lagu tala galay  buuga miisaaniyadana waxa loo qaybiyaa 82-ka xildhibaan ee golaha,hanti dhawrka, wasaarada maaliyada iyo xisaabiyaha guud intaas oo dhan wuu yaalaa, wax qarsoon oo hoos loo dhigo maaha, wixii kharash ah ee sanadkaas ku baxaya golaha wakiilada halkaas ayey  ku wada cada yihiin.

 

Xoghaye ku xigeenka golaha wakiilada oo isaguna shirkan jaraa,id ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay inay jariiradasi raali gelin ka bixiso warka ay baahisay waxaanu yidhi “ Joornaalkani waa kii qaranka waanay nagu adag tahay inaanu ka difaacno golihii qaranka, waana been warkaasi waxaanan odhan lahaa joornaalka qaranku raali gelin haka bixiyo warkaas.”