Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB oo ka hadlay Shirka London, Doorka Somaliland uga bannaan iyo wejiga Cusub ee xal-u-raadinta Soomaaliya

 “23-ka bishan February 2012-ka, waxa ka furmaaya LONDON shir laga hadlaayo xaaladka murugsan ee Somalia. Boqortooyada Ingiriiska ayaa u muuqata mid lawareegtay xilkii wareerka badnaa ee hogaminta shirarka madhalaysnimadu ragaadisay ee ku caan baxay: Daaweynta Somalia Italiana-da bugta.

Waxuu shirkani noqonayaa midkii 20-aad. Italia way ku ilka beeshay. Bal aynu eegno artist-ka cusub ee Great Britain waxay ka kordiyaan Conference-ka London, midan oo ku soo beegantay waqti guluf xoogan oo iskaashatay dagal hubaysan kula jirto islaamin ku-sheega xag jirka ah ee Al-Shabaab.Waxaa dood badani ka taagantahay agenda iyo ugeedada dhabta ah ee shirkani leeyahay, iyadoo lagu soo martiqaaday Somaliland oo aan ka ahaan xubin Shirarkii hore loo qabtay, kuna jirin ROAD MAP-kii cusba. Waxa loo baahanyahay xoogaa in dib loogu noqdo taarikhdii dhawayd ee 1991/2012, si madmadowga meesha ku jira loo yar iftiimiyo.

1/ SOMALILAND

Waxay ahayd 1991kii, markii qori caaradii lagaga takhalusa Dhigyacabkii Ina Siyaad Barre.Waqtigaas, waxa Somalilandxoreeyey hal urur oo hubaysnaa, ahana SNM. Hogaankii xilka wadanka lawareegay waxay ku qabteen magaalada Burco Shir guud oo qaran. Nadaam wadaagoo ah, oo beeluhu u dhan yihiin waxa lagu gaadhay go’aan 18/05/1991 in reer Somaliland, si buuxda, ula soo noqdaan madaxbanaanidoodii luntay 01/07/1960-kii. Xitaa Cali Khalif Galaydh-ka maanta Taleex, “Abow Na Jihaadida”loogu heesaayo, ayaa wax ka saxeexay go’aankaas, kuna tartamay  1993-kii., jagada Madaxweyne ku/Xigeenka JSL.

Waxaynu ka dheregsan nahay inSomalilandxukuumad samaysatay, waxayna dismahoodii ku xoojiyeen Shirkii Boorame ee 1993kii. Waxa halkaas hogamintii wadanka, si dimoqaraadi ah, ula kala wareegay Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Moxamed Xaji Ibrahim Cigal.

Dastuur qaran ayaa loo codeeyey (97%), golayaal deegaan iyo kuwo qaran ayaa la doortay, iyagoo lagu saleeyey habka axsaabta badan. Ciidamadii qaranka  ( Military Army  & Police ) ayaa ladhisay, oo si buuxda u dhaqan galay.

Illa hadda afar (4) Madaxweyne ayaa, si nabad & dimoqaraadiyadi ku dheehantahay  xilka ula kala wareegay. Reer Somaliland nadaam dimoqaraadiyadeed oo waddani ah (Home made democracy) ayay horumarkooda ku gaadeen. Aduun weynaha oo dhan ayaa markhati ka ah, kuna hambalyeeyey.

Waxa weli lasugaya aqoonsiga caalamka, middaas oo lagu fadhiisiyo; Iraadatul-Shacab, Iraadatul – Allah. Waxaan ognahay in Midowga Afrika (African Union) u diray Somaliland guddi Ad-Hog ah, oo xaqiiqa raadis ah 2005-tii. Guddidaasi report ayay u gudbisay African Union., middaas oo ay si cad ugu qayaxeen in Jamhuuriyadda Somaliland u qalanto aqoonsi buuxa.

Charterka Afrika iyo midka caalamku waxay qorayaan in xuduudada wadamada Afrika yihiin kuwii laga dhaxlay Gumaystayaasha. Ummada Somaliland oo ah bulsho islaam ah, sidaas ayey ku hawl galeen, Eebena ku sugayaan. 860 km ee xeebtooda, ciidanka badda ee Jamhuriyadda Somaliland guulo wax kuool ah, oo la taaban karo ayay kasoo hooyeen la dagaalanka budhcad- badeeeda, caalam kuna ka markhaati kacay.

Waxa looga bahan yahay hogaanka qaranka firfirconi iyo feejigaad, middaas oo ay ka reeban yihiin fudayd iyo ka fiirsi la’aani (Mind the Gap), haddii larabo in laga midhodhaliyo himiladii ummadda ee qaliga ahayd.

Waxa iyana lamahuraan ah in lasugo xuduudada dalka, amaanka bulshada nabada iyo xuriyadda jecel eeSomaliland, iyadoo cadaalad lagu fadhiisiyo, qiima kasta oo ay ku kacayso gudashadoodu.

2/ SOMALIA

Magacani waxa uu ku hadhay dalkii la odhan jiray “Somalia Italiana”.

Waxa wadankaas xoreeyey labadii urur ee USC iyo SPM, kuwaas oo ay kala hogaaminayeen General Caydiid iyo Korneyl  Cumar Jeex.

Nasiib daro, waxa Mogadiscio laga abuuray kacdoon ay hogaaminayso “Manifesto Group”, dabadana ka soo rixayaan Italia iyo Masar oo ay lasafteen quwadaha reer Galbeedka iyo Arab League.

Waxay taasi keentay in labadii urur (USC & SPM) ee dalka xoreeeyey ahana quwado nidaam leh, laga boobo libintii ay dhaliyeen,lana abuuro fawdad faraha ka baxday. Waatii 1992kii Duulaankii Restore Hope lagu qaaday quwadihii hubaysnaa ee USC iyo SPM, iyadoo loo hiilinaayo Xukumaddii Cali Mahdi iyo Cumar Carte Qaalib.

 Halkaas ayey sartu ka qudhuntay, waxaana bilaabmay dagal ahliya oo ummaddii reer Koonfureed qabyaalad iskaga horkeenay, middaas oo is-aaminaadii shacbiga laashay, illaa hadda.

Markaas-ba Somalilandoo qaranimadeedii lasoo noqotay, wax ciidan ah looma dirin. Iyadoo markaaba laqiray inay laba wadan kala yihiin. Sidaas ayaanay wax faragelin ahna nooga iman adduunka kale, Carab iyo Cajab toona.

 Labaatan iyo hal sannadood (21 years) ayey reer koonfureed tashan kari waayeen. Waxay diidan yihiin inay isu-tanaasulaan. Waxay noqdeen ummad aan isu tudhaynin. Faragelin shisheeye ayaa sabab u ah in aanay wada tashan, kalana adkaanin. Bulshodoodu way jaahwareertay.

Afkaar xagjirnimo iyo qabyaalad ku salaysan boob-dhul iyo mid power ayaa kala jiidanaaya. Kolba waxa xukun loogu dhiibayaa kooxo loo macmalay oo aan cidna matalin, mushaharna looga qoro dibeda, iyadoo shacbigoodii silic iyo darxumo u baabasan yihiin.Maantana, maamul-goboleedyo ayay miciin moodeen oo lagu mashquulinayay.

Xukuumado maqarsaar ah, oo lagu magacaabo Ku-Meel-Gaadh ( KFG ), Baarlamaan ku-sheeg  dibeda laga soo cumaamaday, oo marba cimrigiisa iyo tiradiis-ba lakordhiyo, cidna aan matalin, dhexdoodana feedhtama iyo ciidan aan shucuur wadaniba loo aqoon, ayaa caalam dan gaar ah kala wataa, ku maaweelinayaa.

Markii ummaddoodii maamul qaran iyo daryeel wayday, waxa kasoo dhex toosay budh-cad badeed hubaysan oo nabadii caalamka tahdiid xoogleh ku keentay, Geeska Afrikana ka dhigay goob colaadeed. Boqolaal maraakiib ah, ayay afdoobeen, oo madax-furasho ku qafaalan, iyada oo dadka hawgaladaas samaynayaana yihiin ka hadheenkii  ciidankii badda ee taliskii Siyaad Barre.

Dawladaha waaweyn ee caalamka waxa dhibaaya nabadgelyada faraha ka baxday ee samaysay Badda-Cas iyo Indian Ocean-ka, middaas oo qastay Ganaacsigii adduunka (International Trade). Waxa kalo iyana larabaa in laga takhaluso ururka Al-Shabaab, oo ay caddaatay inay xidhidh dhab ah leeyihiin Al-Qayda, dhibaatana ku haya wadamada Bari Afrika, siiba kuwa aySomalia xuduudka wadagaan.

Waxaa cad oo aan muran lahayn in Shirka LONDON yahay gole loo xaadhay in lagu daaweeyo bukaan- jiif caalamku cilinkiisa saari kari waayey ee la magac baxay Somalia (former Somalia Italiana). Cidda qabta in cudurka dameerka Xamar haya laga gubo faraska Hargeysa caafimaadka ku daaqaaya, way qaldan tahay.

Ma waxaynu malayn karnaaba in Boqortooyadii GreatBritain, ee xuduudada maanta ee Somaliland la xariiqatay,Ethiopia, Italia iyoFrance, ayaa taarikhda Geeska Afrika been ka sheegi?UKmiyaanay ahayn midddii saxeexday gobonimadiiSomalilandqaadatay 26/06/1960-kii?

Queen Elisabeth miyey halmaami karta inay ahaydGreat Britaindawladii ugu horaysay ee ictiraaftay Jamhuuriyaddii Somaliland? Miyaanay UK, ka mid ahayn 34 kii (34) wadan ee Jimciyaadda Quruumaha ka dhaxaysa, si buuxdana, inoo aqoonsaday intaynaan is-raacin Somalia, iyadoo Common Wealth membership keenina diyaarisay? Ceebtaas cidda gobtaas ka qaadi, way soo bixi doonta,

3/ MAWQIFKA SOMALILAND

JSL kamay mid ahay ROAD MAP-kii hore. Kamayna qaybgelin shirarkii soo taxanaha ahaa ee loo qabtay daawaynta Somaliada bugta. Madaxbannaanideenu wahay ku qayaxantahay dastuur keena qaran, adduunkuna wuu ogyahay.

Tagista London Conference, ma aha mid waysada salaada ina jebinaysa.Muhiimku wuxuu yahay wajigee iyo meeqaankee baa lagaga qaygelayaa Shirkaas, maxaase lala goob tegeyaa? Xal ma aha, fagaarayaashan oo kale, dudmo kaga maqnow. Cidna lakhasbimaaye, Walaalow gartaada aqriso ayaa ka roon qaadicaada.

Waxaad karhayso oo khayr ku yeelan kara ayaa jira. Waar meesha waxaa imanaaya madaxdii wadamada aduunka  u talinaayey.Waa fursaad qaaliya hadddii laga fa’idaysan karo. Waxa lala tegayo waa in qaranku raali ka yahay oo aan beri laysku rixrixin. Xukuumadda mandatka lasiiyey waa inu xadidnaadaa.

Hadday Great   Britainay lasoo noqonayso Power keedii Boqoradda Badaha Aduunka, iyadoon xaqeena duudsiyeynin, waa All Right.  Qudbadeena waa inaynu ku qayaxna faraqa (Differencies) aynu kaga duwannahay Somalia Italiana iyo xasuuqii laynagu sameeyey.

Waa inaynu ku hadalnaa abaalka hiil ee aynu gashanay caalamka xorta ah (Somali Batallions), guud ahaan, iyo Great Britain,  France iyo Ethiopia gaar ahaan , labadii dagaal ee ka dhacay adduunka (1 914/1918 & 1939/1945), waqtigaas oo ay reer Koonfureed la safnaayeen naazismkii Muselini iyo Hitler.

Ha la sheego inaynu mar walba la jirnay ummadaha xoriyadda iyo nabada jecel ee caalamka, xaqna aynu u leenahay in baadilka laynooga hiiliyo (Reciprocity) maanta. Hadday interests tahayna, hala qayaxo inSomaliland tahay dal dihin oo khayraad badan ku duugan yahay, una furan maalgeliyeyaasha aduunka oo dhan.

Hala sharaxo in is-raacii July 1960 uu ahaa annexion maldahan, oo lagu dagay shacbigaSomaliland, oo hada dib u saxaaya qaladaad kiisii hore. Waxa haboon in mudaharaadyo laga qaban qaabiyoLondon, kuwaas soo lagu taageeraayo goni isutaaga Jamhuuriyadda Somaliland.

Waa inaynu Caalamka u cadayna inaynaan aqbalayn in dhiiga reer Somalilandlaga dhigo sibidhka dib loogu dhisaayey daarta dulmigu dumiyey ee Mogadiscio. Lakiinse aynu diyaar u nahay garab joogsiga dawladaha aduunka, sidii loo daaweyn laha aafada baahday ee Somalia, marka la aqoonsado qadiyaddeena ku qotonta: Iraadatul-Shacab, Iraadatul- Allah.  

Wa Billaahi Tawfiiq

Jaamac Yaasiin Faarah

Xoghayaha guud ee xisbiga Udub

Lyon/France