Xoghayaha Guud ee UCID Oo Ku Baaqay In Doorashada Madaxtooyada xilligeeda Lagu Qabto

Hargeysa (SLpost) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa ku baaqay in doorashada Madaxtooyada lagu qabto xilliga dastuuriga ah ee ay u muddaysan tahay.

Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID  Ibraahim Cabdi Xuseen oo khudbad ka jeediyey Xaflad ballaadhan oo Xisbiyada UCID iyo WADDANI si wada-jir ah ugu xuseen 18 May oo ku beegan 31 Guurada Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in lagu kala bedbaadayo in doorashada Madaxtooyada lagu qabto wakhtigeeda, sidaasi darteed uu Madaxweynaha u soo jeedinayo inuu ka wer-wareegin ee uu doorashada qabto.

Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID waxa kale oo wax laga xumaado ku tilmaamay in 30 sanadood ka dib, laga wer-wero Qaranimada Somaliland, arrintaasi oo uu ku sababeeyay hoggaan-xumo.

Ugu dambayn, wuxuu ka hadlay ahmiyadda xuska 18-ka May uu Qaranka ugu fadhiyo.

https://www.youtube.com/watch?v=RwCV0YxKt2U