Xoghayaha Guud ee QM oo Booqasho Taageero-raadis ah ku tegay Garoonka Kooxda Real Madrid

Madrid (SLpost)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa socdaal taageero ugu raadinayo barnaamijka ‘Yoolka horumarka Qarniga’ ku tegay garoonka kooxda Real Madrid ee Bernabeu, una soo jeediyey bulshada inay taageeraan.

Ban Ki-moon oo ka qeybgalay Ciyaar ay garoonkaa ku yeesheen kooxaha Madrid iyo levente oo qeyb ka ah kulamo xidhiidh ah oo lagu dhiirigelinayo barnaamijka cidhib-tirka Saboolnimada adduunka, ayaa halkaa ku laaday kubadii ugu horeysay.

Ban Ki-MoonXoghayaha Guud ayaa xidhnaa garan dhabarka uu kaga Xardhan yahay Lambarka 1,000, oo loola jeedo maalmaha ka hadhay dhammaadka barnaamijka Yoolka horumarka Qarniga, oo siddeed hal-ku-dhig oo uu leeyahay ay ka mid tahay Yareynta Saboolnimada, Xakamaynta Faafidda Cudurka Dilaaga ee HIV/AIDs, iyo helitaanka Waxbarasho ku filan Jiilalka Caalamka.

SOMALILANDPOST.NET