Ban Ki Moon oo booqasho kedis ah ku tagey Muqdisho iyo nuxurka kulammo uu la yeeshay madaxda TFG

Muqdisho, (SLpost)-Wefti uu hoggaaminayo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa booqasho ku tagey magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Ban Ki-Moon ayaa wuxuu noqonayaa xoghayihii ugu horeeyay Qarammada Midoobay ee booqda Muqdisho muddo ka badan 15 sanno, isagoo kulan lagaga hadlay arrimaha Soomaaliya maalintii Khamiista kula yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya xubno uu ka mid yahay Madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Moses Wetang’ula.

Madaxda DKMG ah iyo Ban Ki-Moon ayaa kulan ay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada waxay kaga wada hadleen isbedelka ku dhacay xaaladda Muqdisho oo labadii sanno ee u dambeeyay inteeda badan ay ka talinaysay Kooxda Al-shabaab, halka ay haatan inta badan magaalada ay ka taliyaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa, kadib markii uu la kulmay madaxda Dowladda Soomaaaliya, waxa uu la hadlay saxaafadda, wuxuuna ugu horreyn ka mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee Muqdisho loogu sameeyay, wuxuuna caddeeyay in ay Muqdisho u yimaadeen inay midnimo u muujiyaan dadka Soomaaliyeed, “Qaramada Midoobay iyo Beesha caalamka waxay gacan idinku siinayaan sidii aad u dhisan lahaydeen mustaqbalkiina” ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo sheegay in booqashadiisu ay tahay mid farriin cad u direysa dadka Soomaaliyeed.

Ban Ki Moon waxaa uu siiyay madaxda Dowladda Soomaaliya ogeysiin ah inay ka faa’iidaystaan fursadda kooban ee ay haystaan, wuxuuna uga digay in hunguri ka galo in mar kale waqti kordhin loo sameeyo, “Waxaan haysannaa fursad kooban oo ku eg Aguast sannadka soo socda ee 2012, mana suurtagelayso in waqti kordhin kale la sameeyo.” ayuu yidhi Ban Ki Moon oo  madaxda Dowladda Soomaaliya u sheegay inay xilligaas ka hor inay ka shaqeeyaan sidii xilliga kala-guurka ah looga bixi lahaa.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxa uu xaqiijiyay in xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee UNPOS loo soo rari doono Magaalada Muqdisho bisha January ee soo socota, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in howlaha xafiiska ay Muqdisho ka socon doonaan. Xafiiska UNPOS wuxuu haatan ku howlgalaa Magaalada Nairobi.

Wuxuu soo dhaweeyay Ban Ki Moon howlgallada Ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya, wuxuuse codsaday in ciidamadaas la kordhiyo oo la gaadhsiiyo ilaa 10 kun oo askari. Wuxuu soo dhaweeyay Bank Ki Moon hadalkii dhawaan ay sii deysay Dowladda Kenya ee ahaa inay ka mid noqoneyso howlgalka Ciidamada AMISOM.

Ban Ki Moon oo hadalkiisa sii wata waxa uu cambaareeyay xayiraaddii ay Al-Shabaab dhawaan ku soo rogtay hay’ado samafal oo Soomaaliya ka howlgelayay, wuxuuna caddeeyay in howlgalka hay’adahaas uu ahaa mid wax badbaadin ah, xayiraadda lagu soo rogayna ay tahay mid lagu soo rogay dadka dhibaateysan.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa isna shirkaa jaraa’id ka hadlay, wuxuuna soo dhaweeyay weftiga uga yimi Qaramada Midoobay, wuxuuna caddeeyay in dedaalka Qaramada Midoobay uu hore u sii dhaqaajinayo rajada Soomaaliya ka muuqata.

“Booqashadiinu waa booqasho taariikhi ah, ku soo dhawaada Soomaaliya ayaan leeyahay, imaanshihiinuna wuxuu u yahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed dhiirigelin iyo dedaalkii ay sameeyeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM-na in uu bannaanka yaallo,” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo uga mahadceliyay madaxda Qaramada Midoobay.

Sannadkii 1993-kii ayaa waxa Soomaaliya booqday Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Boutros-Ghali, iyadoo xiligaas ay Muqdisho ku sugnaayeen Ciidamadii AMISOM. Xilligan oo ay Ciidamada AMISOM Muqdisho ku sugan yihiin-na waxa shalay Muqdisho booqday Xoghayaha Qaramada Midoobay ee xilligan Ban Ki Moon.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net