Xoghayaha Cusub ee Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Xilkii La Wareegay

Hargeysa, (SLpost)- Munaasibad ballaadhan oo  ay xilka kula wareegeen Deeq Xirsi Xujaale oo ahaa Xoghayihii hore ee  Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Mawliid Waris C/Laahi oo ah Masuulka cusub ee dhawaan jagadan uu u magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr Maxamed Carraale Nuur (Duur) ayaa maanta ka dhacday hoolka shirarka ee Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Madashan oo ay ka soo qaybgaleen Duqa Caasimadda Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir, Maayar-ku-xigeenka Caasimadda Maxamed C/Laahi Uurcadde, Maayarka Burco, Xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa, Guddoomiyeyaasha Waaxyaha Hargeysa, Ururka NAFAQO, Ururka Basaska, aqoonyahanno iyo qaybhaha kale ee bulshada ayaa ugu horreyn waxa ka hadlay duqa caasimadda Hargeysa oo tilmaamay hufnaanta shaqo ee Xoghayihii hore ee Caasimadda Hargeysa, Mr Deeq, oo uu ku tilmaamay in uu xilli walba si hufan u gudan jiray waajibaadkiisa shaqo, isaga oo leh karti iyo aqoon badan.

Deeq Xirsi Xujaale oo ahaa Xoghayihii hore ee  Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in uu muddo laba iyo toban sanno ah ka shaqaynahay Dawladda Hoose ee Hargeysa, taasina ay ka caawisay in uu si habsami ah qaranka ugu shaqeeyo isla markaasna uu ahaa Xoghayihii 36aad ee Dawladda Hoose ee Hargeysa tan iyo intii la dhisay oo ahayd 1954kii. Sidoo kale waxa uu ku ammaanay bahwaynta dawladda Hoose ee Hargeysa sidii wanaagsanayd ee ay ugu gacan-siiyeen shaqada muddadii uu xilka hayay.l

Ugu dambayntiina Xoghayaha Cusub ee Dawladda Hoose ee Hargeysa, Mawliid Waris C/Laahi oo hore u ahaa Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Maroodijeex ayaa xusay waayo-aragnimada shaqo ee uu u leeyahay jagadan dawladda ee loo magacaabay, waxa uu sidoo kalena ballanqaaday in uu si daacad ah uga soo bixi doono xilka uu ummadda u qaaday, ugu dambayntiina waxa uu Alle ka baryeeyay in uu u fududeeyo waajibaadka shaqo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net