Xogaha ku duugan Qaraar ka soo baxay Ururka IGAD iyo Warqad Daahir Rayaale u qoray Qaramada Midoobay 2007-dii

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa si ku-talo-gal ah uga gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal dhawaan laga weydiyey qaabka ay doorashada dalkaas uga qayb-qaadanayaan deegaanno ka tirsan gobollada Bari ee Somaliland gaar ahaan Sool iyo Sanaag.

Inta badan dadka Soomaalida ahi waxa ay isweydiinayeen sababta uu madaxweynaha Soomaaliya jawaab uga bixin waayey su’aashaas iyadoo dadku siyaabo kala duwan u fasirteen ujeeddada ka dambaysay inuu Farmaajo ka gaabsado jawaabta su’aashaas.

Hase yeeshee sida lagu ogaaday baadhis ay sameeyeen qaar ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer Somaliland, sababta madaxweynaha Soomaaliya uga jawaabi waayay suaashaas ayaa ku qotonta asbaabo siyaasadeed oo u diidayay inuu si toos ah u soo faro-geliyo midnimada dhuleed ee Somaliland, iyadoo taaas lagu sheegay inuu qabanayo qaraar ka soo baxay urur goboleedka IGAD sannadkii 2007-kii, kaas oo dhigayay in Ururku ilaaliyo is-raacsanaanta dhuleed ee Somaliland.

Qararaarka ka soo baxay IGAD oo lagaga hadlay dedaallo Ururka goboleedku kaga qayb-qaadanayey dib-u-heshiisintii kooxaha Soomaaliya xilligaas iyo shirar loogu gogol xaadhayey oo ku kala qabsoomay magaalooyinka Nairobi iyo Jabuuti, waxa uu qaraarku ka koobnaa Lix Qodob oo ay ku jirto mowqifka ururka IGAD ee wejahan Somaliland iyo waxa uga qorshaysan.

Qodobbada qaraarku ka kooban yahay intooda badan oo ka shidaal qaadanaya soo-jeedimo iyo aragtiyaha siyaasadeed ee madaxda u sarreysa Ururka IGAD, gaar ahaan xoghayihii Guud ee IGAD ee xilligaas  Danjire Attalah Bashir Hamed oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Sudan, waxa arrinta Somaliland lagaga hadlay qodobka 5aad ee qaraarka, kaas oo lagu amray in ilaaliyo Midaysnaanta Dhulka Somaliland.

Qoraalka arrimahan lagaga hadlay ee ka soo baxay IGAD oo aanu ka helnay shabakadda xogaha sirta ah ee Wikileaks oo lagu baahiyey, waxa kale oo uu ugu baaqay beesha Caalamka inaanay qaadin wax tallaabo ah oo ay ku aqoosanayaan Somaliland, balse ay si wadaagaan gargaarka iyo taakuleynta dhinacyada adeegyada bulshada . Qoraalkani waxa uu caddaynayaa in xoghayihii guud ee IGAD ee xilligaasi Danjire Attallah in ururkiisu ixtiraamayo midaysnaanta dhulka iyo midnimada Somaliland.

Qodobka khuseeya arrinta Somaliland ee ku xusan qaraarka IGAD ka soo baxay sannadkii 2007-dii, ayaa u qornaa sidan:

“Amabassador Attillah wuxuu sheegay inay IGAD go’aansatay in aan lagu darin Somaliland wadahadallada nabadeed iyo in la ixtiraamo midnimadeeda dhuleed xilligan. Si kastaba ha noqotee, IGAD waxay ku boorrisay beesha caalamka inaanay ku tallaabsan inay u aqoonsan yihiin Somaliland dal madax-bannaan, maadaama aqoonsigu khatar gelin karo geeddi-socodka nabadda. Beesha Caalamku waa inay sii waddaa xidhiidhkooda Somaliland ee khuseeya arrimaha bini’aadanimada.” Sidaas ayaa lagu sheegay qodobka 5aad ee Qaraarka IGAD oo lagu faafiyey hadal uu soo jeediyey Xoghayihii Guud ee Urur goboleedka IGAD ee xilligaas Attallah Bashir Hamed.

Qaraarka ka soo baxay IGAD ayaa ka dambeeyey kaddib markii uu madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin warqad uu Arrintaa kaga hadlayo u qoray Xoghayihii Guud ee Qaramada Midoobay ee Xilligaas Ban Ki-Moon bishii June ee sannadkii 2007-dii.

Warqadda Madaxweyne Daahir Rayaale u qoray Xoghayihii QM oo ahayd mid uu ku sii baraarujinayay  xilligaas waxa uu si cad ugu bandhigay shirweynaha Golaha loo dhan yahay oo furmayey Afar maalmood kaddib xilliga uu waraaqda qoray, kuna beegnayd 14-kii June 2007, iyadoo shirkaas lagaga hadlayey arrimaha Soomaaliya. Waxa uu Md Rayaale si faahfaahsan ugu soo bandhigay Xoghayaha Guud in Goluhu ku baraarugsanaado jiritaanka iyo madax-bannaanida Somaliland.

“Marka la eego tixgelinta shirweynaha Golaha ee arrimaha Soomaaliya – oo aan fahamsanahay in la qorsheeyey 14 iyo 28 Juun, waxaan warqaddan u qorayaa inaan golaha u soo bandhigo tabashooyinka iyo aragtida jamhuuriyadda madax-bannaan ee Somaliland oo ku taalla woqooyi-galbeed dhulkaas oo ka tirsanaan jiray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya,” sidaas ayuu madaxweyne Daahir Rayaale ku bilaabay warqadda uu u diray xoghayihii Guud ee QM ee xilligaas. Waxa uu madaxweynuhu qoraalkiisa ku sheegay in Maxmiyaddii Ingiriista ee Somaliland la midowday Soomaaliya sannadkii 1960-kii balse tacaddiyo loo geystay iyo fuquuq lagula dhaqmay shacabkeeda ay madax-bannaanideedii dib ula soo noqotay sannadkii 1991-kii iyadoo waddan madax-bannaan ah, kaddib markii ay burburtay dowladdii Dhexe ee Somaliya. Waxa uu madaxweynuhu qoraalkiisa ku sheegay inaanu go’aankaasi ahayn Goosasho balse uu yahay mid dib hantay madax-bannaanidii Somaliland ee lixdankii luntay.

“Somaliland waxay codsanaysaa taas, iyada oo loo marayo siyaasadeeda iyo jawaabaha laga bixinayo xaaladda Soomaaliya, in golaha Ammaanku qiro jiritaanka iyo waxa ay u baahantahay Somaliland oo ah inay tahay waddan ka madax-bannaan, waxaananu ku boorinaynaa in dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya guud ahaan aan la xalin karin iyadoo tirada lagu darsan arrinta Somaliland.” Sidaas ayuu Md Rayaale ku yidhi warqadda uu u qoray Xoghayihii Guud ee Qaramada Midoobay ee xilligaas Ban Ki-Moon.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net