Xog-warran Koobaya Bilowga Qaabkii loo Waayey Marxuumad Meydkeeda God laga Helay Iyo Jaranjarrooyinka Kiiskaasi Maray

ddddHargeysa (SLpost)- Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay Walaalo yihiin Allaah ha u naxariistee Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo Axaddii toddobaadkan Meydkeeda laga soo saaray God looga qoday Guri Hargeysa ku yaalla dhexdiisa, ayaa sheegay inaan Meydka Walaashi la aasi doonin illaa la raaciyo ciddii dilkeeda geysatay. Isla markaana waxa uu ka warramay qaabka loo helay Meydka, sida tuhunku ku yimi, hawlgalka sida lagu bilaabay, jaranjarrooyinka la maray iyo qaabka lagu soo qabtay toban qof oo immika u xidhan Kiiskaas.

Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ah Xoghaha guud ee Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi dheer oo uu xalay la yeeshay Weriye Cabdifataax Mursal oo ka tirsan Wargeyska Madax-bannaan ee HIMILO, waxaanu Cabdirisaaq Waraysiga uu Wargeyska HIMILO siiyey, si faahfaahsan ugaga warramay guud ahaan tallaabooyinkii la qaaday markii la waayey Walaashii oo Ganacsato ahayd, isla markaana markii ugu dambaysay lacag ay ku lahayd u doonatay Gabadha hadda dilkeeda loo haysto oo la yidhaahdo Muuna Maxamed Cabdillaahi oo degganayd guri yaal Xaafadda New Hargeysa ee magaalada Hargeysa, taasoo ay muddo toban sano ku siman saaxiibbo ahaayeen.

Waxa uu Cabdirsaaq oo ka jaaabayey su’aal laga weydiiyey sidii ay hawshu u bilaabantay, qaabkii ay uga hawlgaleen, siday ku heleen Meydka Marxuumad Ruqiya iyo sida lagu soo qabqabtay dadka Tobanka qof ah ee hadda kiiskaas u xidhay uu ku jawaabay; “Maalintii ay bisha 2-aad 24-ka ahayd bay Gabadha Marxuumadda ah ee aannu Walaalaha ahayn Ruqiya Siciid Ayaanle, ayaa Gabadhaas ay lacagta ku lahayd la soo hadashay oo ay ku tidhi; ‘Guriga iigu kaalay’ dabadeedna markaas bay Marxuumaddu ku tidhi; ‘Naa walaal Hooyana way iga xanuunsanaysaaye Suuqa iigu keen’. Markaasay ku tidhi; ‘Suuqa kuugu iman maayee haddaad lacagtaadii doonayso guriga iigu kaalay’. Sidaasay Walaashay guriga kaga baxday. Markaa, Hooyaday baa ku tidhi; ‘heblaayana sii kaxayso. Waxaanay Marxuumaddu markay baxaysay ku tidhi Hooyo; ‘Gabadhaasi way ii hanjabaysaaye lacagtayda bal maanta ha isoo siin weydo’ sidaasaanay ku baxday.”

Waxa uu Cabdirisaaq intaa ku sii daray oo yidhi; “Markaa, Islaanta (Hooyo) oo shakisan baa sagaalkii iyo badhkii habeennimo inantii la hadashay, waxay ku tidhi; ‘Gabadha Lacagtii ma ka heshay? Waxaanay ugu jawaabtay; ‘Maya oo reerkaba raashin looma karin bay tidhi’. waanan kugu soo celin doonaa ama adigu igu soo celi, markaa Gabadha ayay Taleefanka ugu dhiibtay, wax badan bay tari jirtay Marxuumaddu gabadhan, toban sano ayay saaxiib ahaayeen, waxaanay Hooyo ku tidhi; ‘Hooyo waadigii lacagta ballan-qaadaye inanta si wanaagsan isaga soo ambabixi. Waayahay Hooyo way dhammaan doontaa’ bay ku tidhi.”

“Hooyo mar labaadkii bay wacday Taleefankii Marxuumadda tobankii habeennimo iyo wax yar, dabadeedna Taleefanku wuu dhacay, markay Marxuumaddu sidaa u qabatay ayay Hooyo qaylo maqashay, markaa iyadoo aad u shakisan bay ku celcelisay marar badan, ka dibna waa laga qaban waayey. Markaa, nin aannu walaalo nahay oo magaalada (Hargeysa) jooga ayey Hooyo la hadashay waxay ku tidhi; ‘Waar Taleefankii Ruqiya lama qabanayo oo naag bay lacag u doonataye garaac, isagana waa laga qaban waayey.” Sidaa ayuu yidih Cabdirisaaq.

Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo sharraxaya sidii uu wax ku ogaaday iyo qaabka uu arrintaa uga hawlgalay, waxa uu yidhi; “Abbaaro kawdii habeennimo ayay aniga oo Kala-baydh jooga Hooyo isoo garaacday, waxay igu tidhi; ‘Inantii Ruqiya waa lala yahay gabadh ay lacag ku lahayd bay u doonatay, Taleefankiidiina tobankii illaa illaa 12-kii habeennimo waa nalaga qaban-waayey, immikana waa xidhan yahay. Markaa, anigu wax iska caadi ah baan u qaatay oo wax wayn umaan arag. Illaa shanti baa Taleefankii la iga dayn waayey, waan soo baxay lixdii baan soo galay Hargeysa, gurigaan tegay Hooyo iyo Hablaha Marxuumaddu dhashay baan waraystay, waxay igu yidhaahdeen; ‘Gabadhaa siday ugu tagtay ma hayno Ruqiya’.”

“Markaasaan shakiyey, Saldhigga New Hargeysa ayaan tegay waxaan ka kaxaysay Askari, Gurigii gabadha ayaan tagay waan soo qaaday Gabadhii, Saldhigga ayaan keenay, markaa waxa joogay Taliyaha qaybta Bariga ee Booliska, waxaan ku idhi; ‘Taliye Gabadhan Gabadh aannu Walaalo nahay oo lacag ku lahayd baa ku maqan, waannu ka shakisannahay ee hannaloo xidho, lama Xidhayo ayuu yidhi; ka dib waxaan ku idhi bal wax ka qor; Wiil baadhe ah buu u yeedhay oo wax ka qoray, waxay tidhi; ‘Gabadhaas Ruqiya way ii timi, Lacag bay igu lahayd, Lacag sagaal kun iyo siddeed boqol oo Doollar ah baan soo siiyey laba boqol bay ii soo celisay, sidaas ayaanay igaga soo ambobaxday.” ayuu yidhi Cabdirsaaq.

Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi; “Dabadeedna markii qoraalka laga dhammeeyey, baan Taliyaha qaybta ku idhi; ‘Taliye Dhibbane ayaannu nahay qof dhan baa naga maqan oo aannaan gabadhan siday ugu tagtay ka dib aannaan nolol iyo geeri war u haynin, idinkuna Booliskii baad tihiin, markaa haddaad gabadha noo xidh, haddaanad noo xidhayna dammiin baannu uga baahannay, dabadeed wuxu yidhi; ‘lama xidhayo, ma qabanayo wax caddayn ah oo aan ku hayaana ma jiro, ee caddayn keena in Inantiinni gabadhan ku maqantay;. Waxaan ku idhi; ‘Taliye idinka ayaa Boolis ah oo caddaynta la idiinka baahan yahay, ee gabadhan Gabadh baa nagaga maqan ee noo xidh’ wuu diiday, Taliyaha Saldhigga ayaan la hadlay waan u warramay, isaguna sidaas si leeg buu iila hadlay. Markaas, aniga oo isleh Gabadha Gurigeedii ku celi ayaa Baadhuhu u yeedhay, waxay is-yidhaahdeen ma garan karo, laakiin Gaadhi Boolisku leeyahay oo Ooto-ooto ah, ayaa lagu qaaday.”

Cabdirisaaq oo sharraxaya tallaabooyinkii markaa ka dib uu ku dhaqaaqay waxa uu yidhi; “Aad baan markaa anigu u shakiyey, Taliyaha Booliska Fadal baan la xidhiidhay, waan waayey, Guddoomiyaha Baarlamaankaan u sheegay, Guddoomiyaha illaa 11-kii subaxnimo ayay Taliyaha iyo Guddoomiyuhu is-heleen; wuxu ku yidhi’ ‘Taliye arrintaasaa jirta oo Gabadhaas ayaa maqan oo lala yahay, arrintaas ayaan inaad wax ka qabataan baannu rabnaa’. Waayahay buu yidhi Jananku, anigaa hawshaa ka hawlgaya ayuu yidhi; ‘Subixii dambe ayaan Taliyaha helay amar buu bixiyey halla soo qabto buu yidhi gabadhaas. Subixii baa gurigii la tegay iyadoo ay iyada iyo Carruurteediba ka qaxeen oo uu cidla yahay, Galabtii ayaa haddana meesha la qabtay oo waa laga soo waayey Gurigeedii.”

“Taliyaha Booliska Fadal ayaannu haddana la socodsiinnay oo aannu nidhi Teliye illaa maanta gabadhii lama hayo, gurigeediina waa laga soo waayey baa la yidhi ee sidaa ula soco, Taliyuhu markaa amar buu bixiyey oo wuxuu yidhi Heeganka caawa waa in gabadhaas lagu soo qabtaa, Habeenkii baa gurigii la tegay, markaa waxa la soo qabtay Inan ka mid ah Hablihii ay Gabadhaasi dhashay oo guriga loogu tegay. Markaa, subaxdii dambe 27 Febraury 2014 ah, ayaannu Taliyaha Booliska u tagnay Aniga, Xildhibaan Rayte iyo Caaqil Cabdi-Gaab, Jananka waannu u warrannay oo waxaannu ku nidhi Inantaa idinkaannu idiin haysannaa, Dhibbanaannu ahayn qofkii aannu dembiga u haysannay, waad siideyseen, markaa idinkaannu idiin haysannaa.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirsaaq.

Mar uu Cabdirisaaq ka hadlayey qaabkii lagu soo qabtay gabadha dilka Marxuumadda loo haysto iyo amarkii lagu soo qabtay ee uu Taliyaha Boolisku bixiyey waxa uu yidhi; Taliyaha Booliska Cabdillaahi Fadal runtii aad baan ugu ammaanayaa arrintaas, amar cad buu bixiyey annaga oo la fadhina, Taliyaha qaybta ayuu la hadlay, wuxu ku yidhi haddii Gabadhaas la waayo afarta galabnimo adigaa gudaha ku jira oo xidhan Mursaloow, waana inay meelay joogta ba la doonaa buu yidhi Taliyuhu. Waxa kale oo aannu Taliyaha ka cosannay in Kiiska C.I.D-da naloogu wareejiyey, waanu naga aqbalay Fadal oo Taliyaha C.I.D-da ayuu la hadlay oo uu noogu wareejiyey kiiskaas.”

“Runtii annagu waannu garanaynay inay Inantayadi halkaas ku maqan tahay, Illaahay mahaddii laba Gabdhood oo ay Marxuumadda saaxiib ahaayeen, ayaa iyaguna si wayn uga hawlgalay arrintaas, waxaanay Hablahaasi ogaadeen gabadhii oo baxaysa oo laba Wiil oo ay dhashayna wata afartii galabnimo, way ila soo hadleen, ka dibna Booliskaan la hadlay, Askar baa New Hargeysa lagaga daray Gabadhii oo markaa dhaqaaqaysa iyo labadeedii inan baa la soo qabtay.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirisaaq.

Waxaanu Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Habeenkii waxa naloo sheegay in Taleefankii ay Marxuumaddu sidatay in lagu hadlayo oo kaadhkii laga tuuray, kaadh kalena la gashaday, habeenkii dambe ayay labadaas Hablood soo haleen Inantii kale ee ay Gabadhan aannu haysanaa dhashay, Saldhigga ayay New Hargeysa ayay la hadleen, waxay yidhaahdeen Inanti halkaasay joogtaaye kaalaya Askar nagu dara. Markaa, runtii Saldhiggaas New Hargeysa iyo Taliyaha qaybtuba aad bay arrintaa uga caga-jiidayeen, laakiin mar walba Booliska kale ayaannu la hadlaynay annagu, waxaana jirtay in saddex cisho ka hor intaan Kiiskan walaashay iman in Gabadhaas Saldhigga lagu soo xidhay oo loo haystay lacag shan kun oo Doollar ah, waxaana dammiintay oo sii-daayey Taliyaha qaybta oo Mursal la ydihaahdo.”

“Waxay hawshu socota-ba dhawr jeer baannu codsannay in Gurigaa naloo baadho, laba jeer baa guriga la baadhay oo C.I.D-u baadheen. Waxa jiray shaki badan oo Ciid cusub baa guriga la dhigay. Markii dambe waxa naloo sheegay in Guriga god ka qodnaan jiray, godnkiina la aasay, dabadeedna dorraad (dorraad tii ka horreysay) baannu u nimi C.I.D-da, waxaannu ka codsannay in godkaas la sheegay la baadho, Taliyaha C.I.D-du Booliska ayuu la hadlay oo uu yidhi Ciidan hallagu daro, Gurigii baannu tagnay, godkii markii dhawr majarafadood lagu dhuftay-ba waxay la gaadhay Lugihii Inanta, halkaas ayaannu Marxuumadda Meydkeeda ka soo saarnay. Waxaanan aad ugu ammaanayaa arrintaas Taliyaha Booliska iyo Taliyaha C.I.D-da.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

“Meydkii Marxuumadda lama aasin, lamana aasayo illaa ciddii dilkeeda geysatay ee falkaas oo aannu u aragno Masiibo Qaran geysatay illaa loo dilo oo lala aaso, taas ayaanannu dawladda, Madaxweynaha iyo Hay’adaha Garsoorkaba ka codsanaynaa, waxaanan caddaynayaa inaan la aasi doonin Meydka Walaashay illaa dadkaas naloogu soo dul-xidho.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirsaaq Siciid Ayaanle.

La soco qayb labaad oo ka mid ah Waraysi dheer oo Wargeyska Himilo la yeeshay Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay Walaalo yihiin Allaah ha u naxariistee Marxuumadda sida foosha-xun loo dilay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle.

XIGASHO: Wargeyska Himilo